4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 10, 2014
Wasiirka cusub ee Dekedaha P/land oo xilka la wareegay(SAWIRRO)

Isniin, Febraayo 10, 2014 (HOL) –Xaflad gelinkii dambe ee shalay magaalada Boosaaso ka dhacday, ayaa waxaa si rasmi ah xilka ugula wareegay wasiirka cusub ee madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas uu dhowaan xilkaas usoo magacaabay.

Xil-wareejinta oo ka dhacday dakedda magaalada Boosaaso -oo ay ku taallo Xarunta Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda- ayaa waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaradda, wasiiru dowlahii hore, guddoomiyaha gobolka Bari, duqa magaalada Boosaaso, agaasime waxeedyada wasaaradda iyo saraakiisha ammaanka ee dekadda Boosaaso.

C/majiid Samatar Maxamuud (Jaafaan) oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda dekedaha gaadiidka bada iyo la-dagaalanka iyo burcad-badeedka ayaa ugu horrayn xafladda xil-wareejinta kahadlay.

Jaafaan ayaa ka warbixiyey waxyaabihii u qabsoomay wasaaradda, qorshaha wasaaradda ee shanta sano ee socota, ugu dambeyntiina dukumiintiyada wasaaradda ku wareejiyey wasiirka cusub C/laahi Jaamac Saalax, maadaama wasiirkii hore uu safar dalka dibaddiisa ah ku maqan yahay.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Wasiirka cusub Cabdullahi Jaamac Saalax ayaa soo xiray xafladda, waxuuna si weyn u ammaanay mas’uuliyiintii hore ee wasaaradda isagoona sheegay in ay wax badan ka qabteen wasaarada waxna u dhimanyahiin, inta kadhimanna ay dhamaystiri doonaan.

Ugu danbayntii xafladdu markii ay soo gaba gabowday, wasiirka wasaaradda dekedaha gaadiidka badda iyo la-dagaalanka Burcad-badeeda Cabdullahi Jaamac Saalax, ayaa mid mid u kormeeray waaxyaha kala duwan ee wasaaradda iyo xafiisyada ay ku shaqeeyaan.

Todobaadyadii u dambeeyey waxaa xilalka la kala wareegayey wasiiradda cusub ee Puntland iyo wasiirradii hore ee ku jirey xukuumaddii Madaxweyne Faroole.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya