4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 4 , 2014
WASIIRKA AMNIGA PUNTLAND "ciidamada Puntland ma niyad jabi doonaan"

Wasiirka Amniga Puntland, Xasan Cismaan Aloore

Isniin, August 04, 2014 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa Ururka Al-shabaab ku eedeeyey qarax ismiidaamin ahaa oo galabta ka dhacay meel u dhow xarunta taliska booliska ee gobolka Bari.

Wasiirka Amniga Puntland Xasan Cismaan Aloore oo magaalada Garoowe shir-jaraa'id ku qabtay ayaa ku tilmaamay weerarkaas fal waxashnimo ah "fal argagixiso ah oo ka dhacay Boosaaso kaasoo ay geysteen nabadiidka Al-shabaab...falkaas khasaare waxaa naga soo gaarey annaga oo ku shihiiday Gaashaanle Sare C/raxmaan Cali Xuseen Muslim oo ahaa geesi kamid ah geesiyada Puntland.." Mudane Aloore ayaa sidaas yiri.

Taliyaha galabta qaraxa lagu diley | Kol. C/raxmaan Cali Xuseen Muslim

Wasiirku wuxu dhanka kale ka warbixiyey khasaaraha uu qaraxaasi geystey, wuxuuna sheegay in ay ku dhinteen afar qof oo kala ahaa Taliyihii Qaybta Booliska ee Gobolka Bari Gaashaanle Sare C/raxmaan Cali Xuseen (Muslim), Kabtan Ibraahim Maxamed Maxamuud oo isna ahaa sarkaal ay Kol Muslim saaxiibo ahaayeen, Dable C/qaadir Muuse Xirsi oo kamid ahaa ilaalada taliyaha geeriyoodey iyo qof rayid ah oo goobta marayey.

Tirada dhaawaca sida uu Wasiirka Amnigu sheegay waa todobo qof oo labo kamid ahi ay askar yihiin. Mar uu ka hadlayey qaraxan iyo saameynta uu reebi karo wuxuu sheegay in haba yaraatee laamaha ammaanka iyo ciidamaduba aysan ku niyad jabi doonin falalka caynkan oo kale ah.

"waxanu leenahay intaas Puntland kuma niyad jabeyso waa geesiyaal...ciidamada Puntland waxay noqonayaan kuwo dalkooda karaameeyo oo u shahiida oo ilaaliya...waa dhiiri gelinayaa geesiyaasha kale ee jooga aaggaas iyo kuwa difaaca ku jira..."

Wasiirku ugu dambeyntii wuxuu tacsi u diray ehelada dadkii qaraxaas ku geeriyoodey isagoo Ilaah uga baryey in uu samir ka siiyo kuwa dhaawacna ahna u rajeeyey caafimaad deg deg ah.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya