4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 4 , 2014
Gudiga Gurmadka Abaaraha oo ka dayriyay Xaaladahal Nolol ee dalka ka jirta

Isniin, August 04, 2014 (HOL) —  Iyadoo dhawaan ay golaha wasiirrada xukuumadda ku dhawaaqday in dalka ay ka jiraan abaaro daran, isla markaana sameeyay guddi wasiirro ah oo u xil-saaran sidii ay wax uga qaban lahaayeen abaaraha dalka ka jira, waxaana guddiga hoggaaminaya wasiirka beeraha, Cabdi Axmed Baafo, iyadoo guddigani uu maanta soo saaray warbixin ku aaddan xaaladaha bani’aadanimo ee dalka ka jira.

Guddiga ayaa war-bixintooda ku sheegay meelaha ugu daran ee abaaraha iyo biyo la’aantu ka jirto. Waxaana warbixinta guddiga ay u qornayd sidan:

BAAQ KU WAAJAHAN XAALADAHA ABAARAHA DALKA:

1. Golaha wasiirrada xukuumadda fedeeraalka Soomaaliyeed wuxuu shir aan caadi ahayn guddiga gurmadka deg-degga kaga dhageystay warbixintii ugu dambeeysay ee ku saabsanayd xaaladda abaaraha iyo cunto-yari ee dalka ka taagan.

2. Guddigu waxay dhawaaqayaan in gobollada ugu daran xagga saameynta abaaraha ay yihiin; Gedo, Bakool, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, xaaladaha bani’aadamnimana ay sii kordheyso maalinba maalinta ka dambeysa. Baahida dadka tabaaleysan waxay isugu jirtaa biyo, cunto iyo gar-gaar caafimaad.

3. Xukuumadda oo u qoondeysay lacag dhan 500,000 doollarka Mareykanka ah, waxaan toddobaadka soo socda biyo-dhaamin uga billaabanaynaa qaar ka mid ah gobollada uu harraadku uu ka taagan yahay. Sidoo kale waxaa noo qorsheysan in sida ugu dhaqsiyaha badan gaar-gaar cunto lala gaaro dhammaan gobollada cunto-yarida ay ka jirto.

4. Xaaladda amni-darro ee ka dhalatay jidgooyada argagixisada ay ku hayso gobollada abaarta iyo cunto-yarida ka jiraan waxay carqalad ku tahay howl-galka gurmadka. Waxaa kaloo noo muuqatay in AMISOM aysan weli jawaab ka bixin codsiyo ku aaddanaa fududeynta sidii gaarsiin cunno ah gobollada dalka loo gaarsiin lahaa dadka ku nool gobollada tabaaleysan.

5. Ciidamada xoogga dalka wuxuu diyaar u yahay inuu u adeego dadkiisa, hase yeeshee ma haysto qalab ku filan oo uu uga soo baxo waajibaadka galbinta gawaarida raashinka gurmadka wadda.

6. Waxaan uga mahad-celinaynaa xukuumadda iyo hay’adaha durba ku dhaqaaqay gurmad deg-deg ah; iyagoo ka jawaabay baaqii ay horay loosoo jeediyay; arrintaasna waa mid dhiirri-gelin leh.

7. Xukuumaddu waxay AMISOM iyo deeq-bixiyeyaasha ugu baaqaysaa inay gacan ku siyaan si dalka looga badbaadiyo khatartii abaarihii 2011-kii soo martay. Waxaa loo baahan yahay in hadda si xoog leh loogu jeesto hawlaha gargaarka inta arrinta ayan gaarin heer xun oo macaluul iyo dhimasho ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya