4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 4 , 2014
Qarax Ismiidaamin ah oo gellinkii dambe ee maanta ka dhacay Boosaaso

SAWIR HORE, Kaydka HOL | Ismiidaamin Boosaaso December 5, 2013

Isniin, August 04, 2014 (HOL) — Qarax xooggan ayaa galabta ka dhacay meel u dhow xarunta taliska booliska gobolka Bari ee degmada Boosaaso.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada, waxaa fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa. Ugu yaraan afar qof ayaa qaraxaas ku geeriyoodey tiro intaas ka badanna dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaarey.

Qaraxa waxaa lala bartilmaameedsaday taliyihii qaybta booliska gobolka Bari Kol. C/raxmaan Muslim oo xilligaas kasoo baxay gurigiisa oo ku dhow xarunta taliska guud ee gobolka Bari..

Sida aanu wararka ku heleyno dadka dhintay waxaa kamid ah Kol. C/raxmaan Muslim iyo afar askari oo ilaaladiisa kamid ahaa, waxaa sidoo kale kamid ah sarkaal kale oo dhowaan loosoo magaacabay turubo taariyada.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray waddooyinka soo gala goobta uu qaraxu ka dhacay oo ah faras magaalaha, una dhow xarumo badan oo dowladeed sida: dowladda hoose, xarunta maamulka gobolka, dekedda, bankiga iyo taliska booliska ee gobolka Bari.

December 5, 2013 ayey ahayd markii qarax kan oo kale ahaa oo Boosaaso ka dhacay ay sagaal qof ku dhinteen ku dhowaad afartan qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya