4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 4 , 2014
Wasiirka Amniga Qaranka oo ka hadlay dilkii Marxmuum Mustaf Xasan Caato


Isniin, August 04, 2014 (HOL) — Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Axmed Eereg ayaa ka hadlay dil ay xalay ilaalada ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ay xalay ugu geysteen agagaarka madaxtooyada wiil dhallnyaro ah oo lagu magacaabi jiray, Mustaf Xasan Caato, isagoo sheegay inuu u dhacay si aan ula kac ahayn.

Marxuum Mustaf Xasan Caato ayaa waxaa xalay toogtay askari waardiye ka ahaa guriga ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed oo ku dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho.

“Wasaaradda Amnigu waxay ka xun tahay qaabka u dhacay dilkaas oo runtii ahaa mid kama’ ah, waxayna tacsi u diraysaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuumka ,” ayuu yiri Wasiirka Amniga Qaranka.

Sidoo kale, wasiirka Amniga Qaranka ayaa sheegay inay wadaan baaritaano ku aaddan sidii uu ku dhacay dilkaa, balse ma uusan sheegin in sharciga ay la tiigsanayaan askarigii dilka geystay iyo in kale.

Ruuxan dhallinyarada ah ee la dilay ayaa la toogtay xilli uu doonayay inuu galo gurigooda oo ku yaalla Ex-fiyoore ee magaalada Muqdisho, halkaasoo uu deggenaa, waxaana la xusay inuu dhalay nin fannaan ahaa.

Falkan dilkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ilaalada ra’iisul wasaare, C/weli Sheekh ay u geystaan ruux shacab ah, iyagoo sheegay in wiilkan ay ka shakiyeen markii la toonayay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya