4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 4 , 2014
Xisbiga DADKA oo Dhaliilay Qaabka loo Dhisayo Maamulka Gobollada Dhexe


Isniin, August 04, 2014 (HOL) — War-saxaafadeed uu maanta soo saaray xisbiga DADKA oo ka mid ah axsaabta siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa ku dhaliilay qaabka loo maray dhismaha maamulka gobollada dhexe ee dalka oo maalmo ka hor lagu saxiixay Muqdisho.

Qoraalkan oo uu ku saxiixnaa guddoomiyaha xisbiga, Siciid Ciise Maxamuud ayaa lagu sheegay in qaabka loo dhisayo maamumlkan uu yahay muraayad dastuurka dalka u yaalla.

“Dastuurka dalka waxaa awoodda meel-marintiisa iska leh xukuumadda uu horkacayo madaxweyne Xasan Sheekh. Turxaan bixinta dastuurka waxaa iska leh maxkamadda dastuurka oo aan hadda ka jirin, bedelkeedana ay buuxisay madaxtooyada. Ilaalinta dastuurka oo laga soo xiganayo iyadoo la raad-raacayo sharciyada la dajinayo waxaa dhaqan-gelintiisa baarlamaanka ayaa iska leh. Balse howsha oo dhan waxaa isku fuuqsatay madaxtooyada,” ayuu guddoomiyaha xisbiga ku yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladdu ay u muuqato inay ku dhaqamayso qaab keli-talisnimo ah, isagoo daliil ka dhiganaya inay awooddii hay’adihii kala duwanaa ee dowladda ay isku fuuqsatay.

“Intan waxaa wehlisa in madaxtooyada ay qorsheynayso inay dib u habeyn ku sameeyso guud ahaan garsoorka dalka si ay salka adag ugu sameso jidka ay madaxda dowladdu u xaaranayaan doorashada la doonayo in dalka ay ka dhacdo sannadka 2016-ka oo aan si sharci ah ku dhici doonin. Qorshahaas waxaa ka mid ah in loo dhiso maamul-goboleedyo loo dhiibayo xubnaha uu kala dhexeeyo is-kooxeysiga, shacabka deegaannadaas ku noolna cagta loo saaro,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Isagoo sii hadlaya Siciid Ciise ayuu sheegay in haddii uusan jirin baarlamaan la xisaabtamaya madaxda sare ee dowladda, dowladda Soomaaliya waxay danteedu ku jirtaa in dalka laga dhiso maamullo KMG ah oo maslaxaddooda u adeega, taasoo kasoo horjeedda sida uu sheegay dastuurka oo sheegaya in dadku ay hoos kasoo dhistaan maamullo ay ku kalsoon yihiin.

“Maamullo in ka dhiso waxaa ka horreeya dib u heshiisiin sal adag shacabka deegaannada maamullada loo sameynayo la dhex-dhigo iyo in dowladdu ay shacabka deegaannadaas ka taageerto dhinaca dhaqaalaha iyo qaabka loogu saleyn lahaa sharciga maamullada gobollada ee ay sameynsanayaan, waxay tani u baahan yihiin waqti dheer iyo heshiis dhab ah oo ay wadaagaan dadka kuwada nool deegaannada loo sameynayo maamul goboleedyada, laakiinse ma ahan waddooyinkaas mid ay dowladdu doonayso inay u marto maamul sameynta,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka xisbiga.

Waxaana intaas lagu daray: “Dowladdu waxay dooneysaa in sannadka 2016-ka ay dalka ka hirgeliso doorasho ku sheeg, taas ayaana madaxda dowladda ku qasabtay inay dadka u sameeyaan maamullo, taasoo ay ku doonayaan in dhaqaalaha dibadda uga xiran loogu sii-daayo si ay ugu adeegsadaan sidii ay codadka u heli lahaayeen sannadka 2016-ka haddiiba ay doorasho dhacdo.”

Guddoomiyaha Xisbiga Dadka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday hindisaheeda ku aaddan inay maamul-goboleed ugu dhisayso gobolada dhexe oo ay kusoo koobtay gobollada Mudug iyo Galgaduud, taas oo ah tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhinaca wanaagsan, waxaasa looga baahan yahay inaysan maamulka loo sameynayo aysan u kala reebin guud ahaan gobollada dhexe ee dalka kuwaasoo kala ah; Galgaduud, Hiiraan, Mudug iyo Shabeellada dhexe.

“Haddii dhismaha maamulka gobollada dhexe oo dhan la hirgeliyo waxay taasi fursad u siinaysaa dowladda in dadka deegaannadaas ay ku qancaan magacaabista ay dowladdu hormuudka u tahay, halkaasna ay dadku kasii ambaqaadaan dhameystirida maamulka,waxayna taas tusaale wanaagsan u noqonaysaa inay dhismaan maamullo waaweyn oo ay talo ku wadaagaan dad badan oo kala hayb duwan, maamulkuna uu noqdo mid isku dhaf ah oo lagu wadaagayo hoggaanka dowladda ee gobollada, taasoo uu madax ka noqonayo guddoomiye gobol oo ay wehliyaan gole deegaan oo loo wada dhan yahay,” ayuu hadalkiisa intaas ku daray.

War-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in inkastoo xisbiga DADKA uu ka mid ah yahay xisbiyada mucaarka ah, haddana wuxuu taageersan yahay hindisaha maamul goboleedyada ay dowladdu ugu sameyneyso gobollada dhexe, wuxuuna u soo jeedinayaa dowladda in dhammaan gobollada laga hirgeliyo hal maamu.

“Xisbigu wuxuu kula talinayaa dowladda in shacabka deegaanadooda laga dhisayo maamullada dowladda in door weyn ay ku yeeshaan qaabka loo dhisayo maamulldooda. Wuxuu xisbigu raacsan yahay in dowladdu ay xal ka gaarista ay waddo awgeed ay xaq ugu leedahay inay maamullo KMG ah u dhisto gobolladda dalka si ay taas u noqoto billow ay dadka deegaanku dhameystirtaan,” ayuu mar kale yiri Siciid Ciise.

Ugu dambeyn, war-saxaafadeeda xisbiga DADKA ayaa lagu sheegay inay dowladda uga digayaan in maamulka loo dhisayo goboladda dhexe aysan ka reebiin gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe, haddii aan taas la sameyna ay adkaan doonto sidii loo kala saari lahaa gobollada Galgaduud iyo Hiiraan ama Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya