4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 4 , 2014
RW C/WELI: Maamulka Gobollada dhexe saameyn kuma yeelanayo Puntland


Isniin, August 04, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed ayaa ka qayb-galay kulan uu soo abaabulay machadka cilmi-baarista (Heritage), isagoo ka jawaabayay su’aalihii ay weydiinayeen ka qaybgalayaashii kulanka iyo qurbo-joogta Soomaaliyeed oo internetka uga qaybgalayay kulanka. Iyadoo kulanka ay goobjoog ka ahaayeen bulshada rayidka ah, aqoon-yahanno, oday-dhaqameedyo, haween iyo siyaasiyiin xilal kasoo qabtay dalka.

Mudane C/weli Sheekh ayaa ka warbixiyey xaaladda amniga, horumarka la sameeyay iyo caqabadaha jira. Sidoo kale waxuu ka hadlay wax-qabadka xukuumadda ee dhanka amniga, isku-xirka maamullada dalka iyo dowladda federaalka ah, maamul-wanaagga iyo la dagaallanka musuq-maasuqa.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa la weydiiyay qaabka loo hirgalin karo nidaamka federaalka iyo heshiiskii u dambeeyay ee maamulka loogu sameynayo gobollada dhexe iyo walaaca ay Puntland ka qabto heshiiskaas.

“Sida aad og-tihiin gobollada dhexe waxaa ka jiray maamullo aysan wada-shaqayn ka dhexeyn, waxayna xukuumaddu samaysay guddi wasiirrro ah oo wada-xaajood la fura dhinacyadaas si loo mideeyo maamullada gobollada dhexe ka jira; waxaana rajo fiican ka qabnaa in dadka deegaannadaas loo sameeyo maamul ay ku mideysan yihiin. Heshiiskii maamulka loogu dhisayo gobollada dhexe ma ahan mid wax u dhimaya maamulka Puntland oo walaac ka muujiyay heshiiskaas, wuxuuna madaxweynuhu si cad u sheegay inuusan heshiisku waxba u dhimayn deegaannada Puntland ay maamusho," ayuu yiri C/weli Sheekh.

Ra’iiusl wasaaraha oo ka jawaabayay su’aal ku saabsanayd arrimaha nabad-galyada ayaa si qoto dheer uga hadlay tallaabooyinka xukuumadu qaadday si ay u meel-mariso ujeeddooyinkeeda.

“Guulo waaweyn oo wax ku ool ah ayaa laga gaaray nabad-galyada, waxaa gacanta lagu soo dhigay dhagar-qabayaal ka tirsan nabad diidka, oo qaarkood sharciga la hor-keenay, lana marsiiyay wixii ay mudnaayeen,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Isagoo sii hadlaya ayuu sheegay in laga hor-tagay qaraxyo iyo kooxo isku xiran oo doonayay in amniga ay qal-qal-geliyaan. Wuxuuna sheegay inay habeen hore ciidamada dowladdu soo qabteen hub faro badan oo noocyo kala duwan ah kuwaasoo halis ku ahaa amniga dalka.

“Ciidamada qaybihooda kala duwan waxay u shaqeeyaan duruufo adag, taas oo runtii aysan jirin ciidan ku shaqeeya caalamka, dadka Soomaaliyeed waa inay taageero dhaqaale iyo mid niyadeed u fidiyaan ciidamada Qaranka, kuna amaanaan howlaha adag oo ay wajahayaan,” ayuu mar kale yiri C/weli Sheekh.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xasuusiyey dadka Soomaaliyeed inay u istaagaan sidii ay taageero dhan kasta ah ugu fidin lahaayeen ciidamada u taagan ilaalinta shacabka iyo sharafta Qaranka.

Su’aal ku saabsan musuq-maasuqa oo uu ra’iisul wasaaruhu ka jawaabayay ayuu sheegay in xukuumaddiisu ay ku howlan tahay dhisidda hay’adda la dagaallanka musuq-maasuqa.

“Shaki kuma jiro inuu jiro musuq-maasuq, kaasoo la iska dhaxlay xilliyadii lagu jiray KMG, haddana uu wali sii socdo, waxaase mudan in lagu ammaano tallaaboyinka wanaagsan ee xukuumaddu qaadday oo dib-u-habaynta loogu samaynayo nidaamka maaliyaydeed ee dowaldda, kaasoo si wanaagsan u shaqeeya. Waxaa xukuumaddu magacowday xisaabiyaha guud iyo hanti dhowrka guud ee Qaranka, wuxuuna wadaa qorshayaal lagula xisaabtamayo hay’adaha dowladda, goluhu wuxuu siiyay madax-banaani buuxda oo ay ku baari karaan cid kasta. Waxaan kasoo qayb-galayaasha kulanka ka codsan lahaa inay gacan ka siiyaan xukuumadda sidii loo dhisi lahaa hay’adda la dagaallanka musuq-maasuqa oo dhawaan la hir-gelin doono, cid walba oo aqoon u leh daba-galka musuq-maasuqa iyo dowlad-wanaaga waan kusoo dhaweynayaa inay gacan ka geysataan dhisidda hay’addan cusub,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare C/weli.

Dhanka kale, mar uu ka jawaabayay su’aal la xariirta maamul-u-samaynta gobollada ayuu si qoto dheer uga hadlay in xukuumaddu aysan dadka dusha uga keenayn maamul u samynta gobollada, balse dowladda doorkeedu yahay inay u fududeyso.

“Siyaasadda xukuumadda ka mid ma ahan inay samayso maamullo uusan shacabku raalli ka ahayn. Diyaarinta iyo shirarka lagu yag-leelay maamulka Koonfur-galbeed waa mid ka horreeyay xukuumaddan, waxaana in muddo ah ka taagnaa is-qab-qabsi qaabka loo dhisayo maamulka. Xukuumadduna waxay ka dhex-samaysay dhinacyadii kala sheeganayay labada maamul dib u heshiisiin loo dhan yahay oo horseed u noqonaysa in la dhiso hal maamul oo ka kooban saddex gobol, waxaana ku amaanayaa dhinacyadii heshiiska gaaray sida ay dhab uga tahay hir-galinta heshiiskooda, iyagoo si wadajir ah ugu safraya Baydhabo si ay u dhamaystiran heshiiska,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ugu danbayn, ra’iisul wasaaraha ayaa u mahad-celiyey kasoo qeyb-galayaashii kulanka, wuxuuna tilmaamay in la sii joogteeyo doodaha noocan oo kale ah oo madaxda iyo shacabku isku wareysanayaan, waxuuna xusay in ay dhammaan tallooyinkii loosoo jeediyay xukuumadda ay ahaayeen kuwo muhiim u ah Qaranka Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in kulammadaan oo kale oo xukuumadda iyo shacabka isla xisaabtamayaan la joogteyn doono.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya