4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 4 , 2014
Ururka Saxafiyiinta Puntland ee MAP oo doortay Hoggaan Cusub [SAWIRRO]

Isniin, August 04, 2014 (HOL) —Magaalada Garoowe waxaa maanta lagu doortay hoggaanka ururka ay ku mideysan yihiin bahda saxaafadda Puntland ee magaciisa loosoo gaabiyo MAP.

Doorashada oo saddex qaybood ka koobnayd waxaa lagu doortay guddomiye, guddoomiye ku-xigeen iyo weliba xogheyn, waxaana ka qayb galay 11 murashax oo saddexdaas xil u kala tartamayey.

Guddoomiyaha guud ee Ururka Saxafiyiinta Puntland waxaa loo doortay Feysal Khaliif Barre oo ah weriye ruug caddaa ah kana mid ah weriyeyaasha ugu caansan guud ahaan deegaannada Puntland.

Feysal Khaliif waxaa xilkaas kula tartamay Axmed Jookar, haseyeeshee loollan dheer kaddib waxay Khaliif guushu ku raacday 45 cod halka Jookarna uu helay 15 cod oo kamid ah guud ahaan tirada codadka oo ahayd 60.

Doorashada guddoomiye ku-xigeenka ayaa hadda socota, waxaana jagadaas u tartamaya afar murashax oo ay midkood gabar tahay. Doorashada xog-haynta ayaa ugu dambeyn doonta. Natiijada doorashada oo faah faahsan dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa.

Shirweynahan ayaa ah kii labaad ee Ururka Saxafiyiinta Puntland ee magaciisa MAP loosoo gaabiyaa uu yeeshay laga soo bilaabo markii la dhisay muddo afar sano ah kahor.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya