4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 4 , 2014
KALIIL: Kismaayo Waxaan u imid dhameystirka Maamulka Jubba (SAWIRRO)


Isniin, August 04, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, iyadoo garoonka ay si diiran ugu soo dhaweeyeen madax ka tirsan maamulka Jubba, ururrada dhalinyarada, haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Kismaayo.

Wafdiga gudoomiyaha ayaa mid mid u salaamay madaxdii soo dhaweeysay, iyadoo soo dhaweynta gudoomiyaha ay sidoo kale qeyb ka ahaayeen qeybaha fanka ee Jubooyinka, kuwaasoo kusoo dhaweeyay cayaaro kala duwan oo hidaha iyo dhaqanka ah.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa oo ay wehlinayeen madax ka tirsan maamulka Jubba ayaa loo gelbiyay xarunta madaxtooyada Kismaayo, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay madaxweeyne kuxigeenka 1-aad iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Jubba.

Madaxweeyne kuxigeenka oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin wafdiga maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee uu hogaaminayo gudoomiyaha gobolka Gedo.

Kaliil oo isna goobta ka hadlay ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, isagoo sheegay in ay magaalada Kismaayo u yimaadeen sidii loo dhameystiri lahaa arimaha dib u heshiisiinta.

Mas’uulkan ayaa sheegay in gobolka Gedo uu kamid yahay deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Jubba, wuxa uuna sheegay in ay dhameystiri doonaan waxyaalaha ka dhiman in uu lugihiisa ku istaago maamulka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay guud ahaan beelaha ku dhaqan Jubbooyinka in ay ka shaqeeyaan nabadda islamarkaana ay ka hortagaan wax walba oo keeni kara in dib loogu laabto colaadihii uu dalku soo maray.

Imaatinka wafdigan ayaa kusoo beegmaya iyadoo la filayo in dabayaaqada bishan uu magaalada Kismaayo ka furmo wejigii labaad ee shirkii dib u heshiisiinta Jubooyinka, kaasoo ay ku wada hadli doonaan islamarkaana ku heshiin doonaan beelaha ku wada nool deegaanada Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]  
Kismaayo, Soomaaliya