4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 4 , 2014
Gudiga Maamul u sameynta Koonfur-galbeed oo Baydhabo gaaray iyo xiisad...


Isniin, August 04, 2014 (HOL) — Degmada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxaa maanta gaaray guddigii maamul u sameynta gobollada Koonfur-galbeed Soomaaliya oo bishii hore lagu dhisay magaalada Muqdisho, iyadoo xiisad kacsanaan ah laga dareemayo magaalada.

Ammaanka degmada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay; iyadoo ayaanay jirin gaadiid isticmaalaya, waxaana waddooyinka lagu arkayaa ciidamada dalka Itoobiya ee AMISOM ka tirsan iyo sidoo kale ciidamada booliiska kuwa milateriga dowladda Somalia, waxaana sidoo kale la xiray xarumaha ganacsiga oo dhan.

Ciidamadana ayaa la sheegay inay sugayaan ammaanka magaalada si aysan uga dhicin wax rabshado ah, marka ay guddiga ka yimid Muqdisho ay soo gaaraan, waxaana waddooyinka qaarkood lagu arkayaa gaadiidka dagaalka oo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya.

Xubnaha wafdiga ah ee Baydhabo gaaray ayaa waxaa kusoo dhaweeyay qaar ka mid ah taageerayaashooda, kuwaasoo watay calaamado ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan guddigan oo ka shaqeyn doona sidii maamul ay u yeelan lahaayeen gobollada Bay, Bakool iyo Gedo.

Dhinaca kale, dadka kasoo horjeedey imaashaha wafdiga ayaa bannaanbax ku sameeyay xarunta maamulka lixda gobol ee uu hoggaaminayo Madoobe Nuunoow, kuwaasoo watay dharka hiddaha iyo dhaqanka iyo boorar uu ku masawiran yahay Madoobe Nuunoow.

Wafdiga maanta yimid Baydhabo ayaa waxaa hoggaaminaya madaxweynihii maamulkii saddexda gobol ka koobnaa, Maxamed C/nuur Mad-deer, iyadoo ay ka mid ahaayeen xubnaha guddiga, C/fataax Geeseey oo horay uga mid ahaa wasiirrada maamulka lixda gobol.

Shir jaraaid oo ay ku qabteen xarunta maamulka saddexda gobol ayay ugu sheegeen taageerayaashooda inay u yimaadeen sidii maamul loogu sameyn lahaa saddexda, ayna howshan hormuud ka tahay dowladda Soomaaliya .

Magaalada Baydhabo ayaa laga dareemaysaa kacsananaan iyo siyaasado iska-soo-horjeeda; waxaadna arkeysaa ciidammo ay leeyahiin labada maamul iyo kuwa dowladda oo magaalada maraya, iyadoo aan la ogeyn sida xaalku noqonayo xilliyada soo socda.

Hiiraan Online, Baydhabo