4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 4 , 2014
Dableey Weerartay Dhismayaal Dowladeed oo ku yaalla Degmada Mandheera

Isniin, August 04, 2014 (HOL) — Wararka laga helayo degmada Mandheera ee gobalka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen xafiisyo dowladeed oo magaaladaas ku yaalla.

Guddoomiyaha Mandheera, Alex Olenkoyo ayaa warbaahinta dalka Kenya u sheegay weerarka ay fuliyeen kooxa ku hubeysan oo watay qoryaha garabka laga tuuro iyo kuwo fudud, ayna ciidamada amniga Mandheera iska caabiyeen kooxaha weerarka soo qaaday.

Sidoo kale, Olenkoyo ayaa sheegay in dablayda weerarka soo qaadday ay ku guul-darreysteen inay gacanta ku dhigaan xarumaha dowladda ee ay weerarka ku qaadeen; isagoo xusay intaas raaciyay inay wadaan baritaanno la xariira qaabka uu u dhacay weerarkaas iyo halka laga soo abaabulay.

“Dableyda soo weeraray Mandheera aad ayay u tiro badnaayeen, laakiin ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarka, marka laga reebo bur-bur baaxad leh oo gaaray xarumo dowladda ee la weeraray,” ayuu hadalkiisa ku daray Olenkoyo.

Weerarkan ayaanay jirin cid sheegatay, iyadoo uu ku beegmayo weerarkan xilli bilihii lasoo dhaafay ay dalka Kenya ka dhaceen weerarro lagu dilay in ku dhow 100 qof oo mas’uuliyaddooda ay sheegatay Al-shabaab.

Kenya ayaa waxay dhibbane u noqotay weerarro is-daba-joog ah oo dabley hubeysani ay ku qaadaysay dalkaas tan iyo markii ciidamada Kenya ay dalka Soomaaliya soo galeen sannadkii 2011-kii.

Dhawaan ayay ahayd markii isbahaysiga mucaaradka ah ee CORD oo ah kan ugu weyn dalka Kenya uu xukuumadda JUBILEE ka dalbaday inay ciidamada Kenya kasoo saaraan Soomaaliya si ay weerarrada kooxaha hubeysan hoos ugu dhacaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya