4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 4 , 2014
Golaha Wasiirada oo shir gaar ah ka yeeshay Arrimaha Amniga iyo kuwa kale


Isniin, August 04, 2014 (HOL) — Shirka looga hadlayay amniga Soomaaliya ayay golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya maanta ku yeesheen Muqdisho, iyadoo shirka lagu soo qaaday hindisaha xakameynta hubka sharci-darrada ah, tayeynta waxbarashada iyo qodobo kale.

Kulanka oo billowday saakay ayaa soo dhammaaday barqonimadii maanta, waxaana kazoo baxay go’aannadii uu warbaahinta u faahfaahiyay afhayeenka xukuumadda, Ridwaan Xaaji C/weli oo sheegay in ammaan iyo boggaadin loogu jeediyay dhammaan ciidanka qalabka sida oo maalmihii la soo dhaafay qaaday tallaabooyin lagu dhabar-jabiyay Al-shabaab, isagoo xusay in hay’adaha amniga la faray inay sii xoojiyaan dadaalladooda.

Sidoo kale, golaha wasiirrada ayaa si weyn uga dooday hindise-sharciyeedka xakeynta hubka, kaasoo ay wasaaradda Amnigu soo gudbisay, iyadoo waqti dheer ay ka doodayeen wasiirradu qodobkan, sida uu sheegay afhayeenka xukuumadda.

Wasiirrada ayaa kulanka warbixinno uga dhageystay guddiga loo xil-saaray xaaladaha bani’aadamnimo ee Somalia, iyadoo xukuumaddu mar kale ay sheegtay in dalka ay ka taagan tahay xaaladdo abaareed. Iyadoo golaha wasiirrada ay howlgalka AMISOM ugu baaqay inay ka jawaabaan baaqa xukuumadda ee ku aaddan fududeysnta sidii gargaarka bani’aadamnimo loo gaarsiin lahaa deegaannada ay weli ku sugan tahay Al-shabaab.

Ridwaan ayaa xusay in in la qorsheynayo in caafimaad dibadda ah loo qaado ilmo yar oo Soomaaliyeed oo iyaga oo isku dheggen dhashay, isagoo intaas ku daray in mas’uuliyiinta wasaarrada warfaafinta iyo haweenka ay arrintaasi dadaal badan u galeen.

Shirkan golaha wasiirada ee maanta ayaa si gaar ah ahmiyad loo siiyay wax ka qabashada ammaanka oo natiijooyin fiican laga gaaray iyo arrimo ay ka mid yihiin ka hortagga abaaraha iyo u gar-gaaridda shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya