4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 4 , 2014
Duqa Muqdisho oo Qaraxii Haweenka dilay ku eedeeyay Xarakada Al-shabaab


Isniin, August 04, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa ku eedeeyay Al-shabaab qaraxii shalay ka dhaca Muqdisho ee dilay saddexda ka mid ahaa haween nadaafadda ka shaqeeya, halka sideed kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaraxan oo ahaa mid lagu qarxiyya qashin ayaa wuxuu dhacay xilli ay ku howlanaayeen haweenkaas ururinta qashin, iyadoo aysan weli jirin cid sheegay mas’uuliyadda qaraxaas oo ahaa miino lagu qariyay bac-madoow.

“Al-shabaab ayaa ka shaqeysay qaraxii shalay haweenkan lagu dhaawacay kuwa kalena lagu dilay. Kooxdan waa mid kasoo horjeedda nabadda dalka,” ayuu yiri Muun-gaab oo maanta booqanayay dhaawacyada haweenkii ku dhaawacmay qaraxa.

Isagoo intaas kasii hadlaya qaraxa ayuu mar kale yiri: “Tan waa mid gabi ahaanteen na tusaysa in ururka Al-shabaab aysan jirin cid ay naxariis u sameynayso, qorshahooduna waa inay shacabka Soomaaliyeed laayaan.”

Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamada ammaanka inay kawada shaqeeyaan sugidda ammaanka Muqdisho oo dhan, isagoo sheegay in haddii aan falalka Al-shabaab laga hortegin aysan joogsan doonin.

Xarakada Al-shabaab wax jawaab ah kama bixin eedeynta uu u jeediyay guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho; waxaana qaraxan uu noqonayaa kii ugu horreeyay noociisa oo dhowrkii sano ee lasoo  dhaafay lala beegsado haweenka ka shaqeeya ururinta qashinka.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamadu ay soo xireen 20-qof oo lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin Qaraxii shalay lagu dilay haweenka nadaafadda ka shaqeeya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya