Isniin, August 04, 2014 (HOL) —Ciidamada ammaanka Puntland ee gobolka Mudug, ayaa magaalada Gaalkacayo ka bilaabay howlgal ballaaran oo lagu sugayo ammaanka. Taliyaha qaybta booliska ee Mudug C/laahi Shire Dool ayaa maanta shir-jaraa'id oo Gaalkacayo uu ku qabtay wuxuu kaga warbixiyey howgalladii ugu dambeeyey ee laamaha ammaanku ay sameeyeen.
Taliyuhu wuxuu sheegay in howlgalladaas si gaar ah diiradda loogu saaray dhowr arrimood oo ay kamid yihiin: ciidamada ilaalada u ah mas'uuliyiinta dowladda ee hubka magaalada la dhex mara iyo weliba gaadiidka ay muraayadahooda bacaha badow iyo daahyadu ku dheggen yihiin.
Tallaabadan ayuu Taliye Dool ku micneeyey in ay daba socoto digreeto bishii hore July horraanteedii kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Gaas. " lama ogola in wax hub ah magaalada lala dhex maro marka laga reebo ciidamada dowladda ee ammaanka sugaya...waa mamnuuc iyo bacaha madow iyo daahyada lagu xiro muraayadaha baabuurta..." ayuu yiri.
Dhanka kale, taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland Cabdullaahi Shire Dhool ayaa uga mahadceliyey bulshada Gaalkacayo iyo guud ahaan gobolka Mudug sida hagar la'aanta ah ee ay ciidamada ula shaqeeyaan, wuxuuna ka codsaday inay taageeradooda sii labo jibbaaraan si joogto ahna dowladda ula shaqeeyaan.
Magaalada Gaalkacayo waa magaalada labaad ee ugu weyn Puntland, dadka kunool gaalkacayo waxaa tirakoobkii ugu dambeeyey ee lagu sameeyey qiyaas ahaan ay dhan yihiin nus milyan qof.
Itntii u dhexeysey sanadihii 2009 ilaa 2013, waxaa magaalada Gaalkacayo siyaabo kala duwan loogu diley tobannaan qof oo u badnaa mas'uuliyiin dowladda Puntland ka tirsan, madax-dhaqameed iyo dad kale oo rayid ah. Ammaanka degmada Gaalkacayo oo ay ka wada arrimiyaan maamullada Puntland iyo Gal-mudug ayaa sanadkan 2014 ah mid aad u wanaagsan.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
Howlgallo Ammaanka lagu Sugayo oo Magaalada Gaalkacayo laga Sameeyay
More News
- Al-shabaab oo sheegtay mas'uuliyadda qaraxii galabta Boosaaso ka dhacay
- WASIIRKA AMNIGA PUNTLAND "ciidamada Puntland ma niyad jabi doonaan"
- Gudiga Gurmadka Abaaraha oo ka dayriyay Xaaladahal Nolol ee dalka ka jirta
- Qarax Ismiidaamin ah oo gellinkii dambe ee maanta ka dhacay Boosaaso
- Wasiirka Amniga Qaranka oo ka hadlay dilkii Marxmuum Mustaf Xasan Caato
- Xisbiga DADKA oo Dhaliilay Qaabka loo Dhisayo Maamulka Gobollada Dhexe
- RW C/WELI: Maamulka Gobollada dhexe saameyn kuma yeelanayo Puntland
- Ururka Saxafiyiinta Puntland ee MAP oo doortay Hoggaan Cusub [SAWIRRO]
- KALIIL: Kismaayo Waxaan u imid dhameystirka Maamulka Jubba (SAWIRRO)
- Gudiga Maamul u sameynta Koonfur-galbeed oo Baydhabo gaaray iyo xiisad...
- Dableey Weerartay Dhismayaal Dowladeed oo ku yaalla Degmada Mandheera
- Golaha Wasiirada oo shir gaar ah ka yeeshay Arrimaha Amniga iyo kuwa kale
- Duqa Muqdisho oo Qaraxii Haweenka dilay ku eedeeyay Xarakada Al-shabaab
- XIL. XOOSH: Madaxweynuhu waa inuu ka fogaado siyaasadeynta maamulka..
- Ardayda Kuliyadda Ingineeriya ee Jaamacadda Banaadir oo Tababar loo furay
- Kulanka Madaxweynaha Mareykanka iyo Madaxda Afrika oo Maanta Furmaya
- Ra'iisul wasaaraha oo la shiray guddiga Maamul-u-sameynta koonfur-galbeed
- Gaari ku qarxay Muqdisho iyo Ilaalada Ra’iisul waasaraha oo dilay Qof rayid ah