4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 4 , 2014
XIL. XOOSH: Madaxweynuhu waa inuu ka fogaado siyaasadeynta maamulka..


Isniin, August 04, 2014 (HOL) — Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa si kulul uga hadlay hadallo maalmahan soo baxayay oo sheegayay in Madaxweynaha Soomaaliya uu damacsan yahay inuu maamul cusub u magacaabo gobolka Shabeelaha Dhexe.

Mudanahan ayaa ugu baaqay madaxweynaha inuusan faraha la gelin arrinta maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe iyo in la bedeli maamulka xilligan inta laga gaarayo 2016-ka, isagoo ku amaanay maamulka xilligan jira inay shaqo fiican soo qabteen.

"Arrimaha hadda jira waxaa ka mid ah in waqti yar ka harsan yahay 2016-ka, ma ahan madaxweynaha inuu faraha la galo arrinta Shabeelaha Dhexe, dad ayaa kasoo shaqeeyay, shaqo fiican soo qabteen in loo dhaafo ayaa ku talinayaa, wax wanaagsanna ma ahan in madaxweynuhu arrin siyaasadeed ku sarifto maamulka gobolka," ayuu yiri xildhibaan C/raxmaan Xoosh.

Xildhibaanka ayaa xusay in horay loogu fashilmay maamulladii Jubbooyinka, Koofur-galbeed iyo maamulka gobollada dhexe, isagoo ku baaqay in dadka deegganka iyo xildhibaannada deegaanka loo daayo arrinta Shabeellada Dhexe.

"Madaxtooyada haddii wax walba ay faraha la gasho waa dhibaato, waxaan qabaa inay khalad tahay in madaxweynuhu uu siyaasad ahaan isku furto maamulka gobolka Shabeellada dhexe, waa inuu ogaadaa maahmaahdii oranaysay - Meeshaa nin ku qaadatay nin ayaad uga tagtay -," ayuu mar kale yiri xildhibaanku.

Xildhibaan Xoosh ayaa sheegay in dowladda Somalia ay u hartay hal sano, isla markaana marka la gaaro bisha Ogoosto 2015-ka aanu madaxweynuhu waxba magacaabi karin, isagoo xusay in waqtiga la haysto uu yahay mid yar oo haddii shaqsi cusub oo bulshada hadda baranaya gobolka madax looga dhigana wax ay soo kordhinayso ma jirto.

"Aniga waxaa baarlamaan ahaan wakiil ka ahay Puntland, balse waxaan ka ka mid ahay reer Shabeellada dhexe, madaxweynaha siyaasad ahaan ayuu rabaa inuu sarifto mana ka yeelayno," ayuu hadalkiisa daba-dhigay.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegayay inuu madaxweynuhu doonayo inuu maamul cusub u magacaabo Shabeellada Dhexe, iyadoo guuxa arrintan ay haraysay shacabka gobolkaas iyo weliba siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya