4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 4 , 2014
Ardayda Kuliyadda Ingineeriya ee Jaamacadda Banaadir oo Tababar loo furay


Isniin, August 04, 2014 (HOL) — Xarunta Jaamacadda Banaadir ayaa waxaa tababar looga furay ardayda wax-ka-barata kuliyadda Ingineeriya oo ka mid ah kuliyaddaha ay ka kooban tahay Jaamacaddaas.

Munaasabada furitaanka tababarkan ayaa waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka jaamacadda, qaar ka mid ah hormuudyada kulliyadaha, macalimiinta wax-ka-dhiga Jaamacadda iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Jaamacada Banaadir, Dr Cabdirisaaq Axmed Dalmar oo ka hadlay munaasabada furitaanka ayaa sheegay in ujeeddada tababarkan ay tahay sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta ardayda wax ka barata kuliyadda Ingineeriya, wuxuuna xusay inuu socon doono muddo bil ah.

“Waxaa farxad inoo ah inaan isugu imaano furitaanka barnaamij ay mar walba bisha fasaxa ah qaban jirtay jaamacada Banaadir oo ah (Summer Seminars) ama tababarada xilliga fasaxa, waxaana sannadkan u dooranay inaan ku billowno kuliyadda Ingineeriya,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Wuxuu xusay in mudada bisha ah ee tababarku socdo ka sokow duruusta la bixinayo ay ardaydu heli doonaan fursado ay ku sameynayaan farsamooyin ku saabsan aqoonta ay barteen, isagoo xusay in ardayda baraatikadaas ay kusoo sameyn doonaan xarumaha shirkadaha isgaarsiinta, inernetka, korontada, dhismaha iyo qaar kale, isagoo xusay in arrintaas ay dadaal ku bixiyeen maamulka Jaamacadda.

“Ujeeddada kuliyadda Ingineeriya aan u sameynay waxay ahayd sidii ay u soo saari lahayd aqoon-yahanno ka qayb-qaata dib u dhiska dalka, sida dhismeyaasha, buundooyinka, warshadaha IWM, maadaama dalku uu soo maray dagaallo sokeeye iyo burbur. Maalintii kuliyaddan aan furaynay oo ahayd sannadkii 2005-tii waxaan ku billownay saddex arday oo shan sano ku qalin-jabiyay,” ayuu Dr. Dalmar hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale, Dr. Dalmar ayaa sheegay in bishan dhamaadkeeda ay Muqdisho imaan doonaan wafdi ka socda Jaamacadda Makerere ee dalka Ugandha oo uu xusay inay Afrika oo dhan ugu horreyso Injineerinka, heshiis wax wada-qabsina uu kala dhexeeyo Jaamacada Banaadir.

“Wafdiga Jaamacadda Makerere ay noo soo direyso waxaa hoggaaminaya hormuudka kuliyadda Ingineeringa ee jaamacadaas iyo saddex macallin oo nala joogaya labo toddobaad, waxayna nagala shaqeyn doonaan sidii dib u habeyn iyo casriyeyn loogu sameyn lahaa kulliyadda Ingineeriyada,” ayuu yiri mar kale yiri, isagoo shaaciyay in Jaamacada Banaadir ay sannadkan ku guuleysatay inay noqoto Jaamacadda koowaad ee Soomaaliya iyo tan 20-aad ee Jaamacadood Afrika, taasoo uu xusay inay tahay guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

Hay’adda ILO ayuu u mahad-celiyey, taasoo uu tilmaamay inay sanad walba tababaro gaa-gaaban dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ku siiyaan macallimiinta kulliyadda Ingineeriya ee Jaamacada Banaadir, waxayna noo balan-qaadeen ayuu yiri inay deeq waxbarasho siin doonaan afar ka mid ah lixda injineer ee dhawaan ka qalin-jibanaysa kulliyada Ingineeriya, waxay kaloo noo ballan-qaadeen sheybaar casri ah oo loo adeegsado Ingineerinka iyo qalab kale.

Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah asaasayaasha iyo macalimiinta Jaamacada Banaadir oo isna munaasabaddaas ka hadlay ayaa sheegay in maamulka iyo mu’asasada Jaamacadda ay dadaal iyo maal badan geliyeen horumarinta kuliyadda Ingineeriya.

“Waxaan aad ugu farax-sanahay niyadda iyo dadaalka ay muujiyeen ardayda kulliyadda Injineeriya iyo qadarinta ay u hayaan Jaamacadda oo runtii ah jaamacad aqoonsi caalami ah haysata,” ayuu yiri Prof-ka.

Waxaaa sidoo kale munaasabaddaas ka hadlay ku-simaha hormuudka kuliyadda Injineeriya ee Jaamacada Banaadir, Inj. Maxamed Macallin Xasan (Caadil) oo ku dheeraaday faa’iidooyinka ay tababarada noocan ah ka heli karaan ardayda loo furay iyo waxyaabaha ay ka kororsan doonaan muddada uu socdo.

Ugu dambeyn, qaar ka mid ah ardayda wax ka barata kulliyadda Injineeriya ee Jaamacadda Banaadir oo ka hadlay madashaas ayaa maamulkooda uga mahad celiyey tababarka aqoon kororsiga ah ee ay u fureen xilliga ay ku jiraan fasaxooda, waxayna ballan-qaadeen inay ka faa’iideysan doonaan tababbarkan u socoonaya muddada bisha ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya