4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 4 , 2014
Ra'iisul wasaaraha oo la shiray guddiga Maamul-u-sameynta koonfur-galbeed


Isniin, August 04, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdiweli Sheekh Axmed iyo qaar ka mid ah golaha wasiirrada ayaa kulan sagootin ah la yeeshay guddiga maamul-u-samaynta Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddigan ayaa u gogol-xaaraya dhismaha maamulka Koonfur Galbeed oo ay dhismihiisa dhinacyadu ku kala saxiixdeen kulan lagu qabtay Muqdisho bishii lasoo dhaafay.

Maxamed Xaaji C/nuur Mad-deer oo ka mid ah saxiixayaashii heshiiska isla markaana ahaa madaxweynihii maamulkii saddexda gobol ayaa uga mahad-celiyay ra’iisul wasaaraha marti-qaadka uu u fidiyay ergooyinkii ka socday dhinacyadii isku hayay maamullada Koonfur Galbeed ee saddexda iyo lixda kala ahaa, kuwaasoo ugu dambeyn heshiis taariikhi ah kala saxiixday.

“Runtii ra’iisul wasaare waxaan kugu ammaanayaa dadaalkii dheeraa oo aad u gashay dadka deeggaan Koonfur Galbeed, waxaanan kaaga haynaa abaal weyn. Dhowr bilood ka hor markii aan Muqdisho soo gaarnay waxaan ahayn dhowr garab oo kala socdo, haddana oo aan ku laabanayno deegaankeeniina waad aragtaa isku duubnida naga muuqata. Taasi waxay marqaati u tahay dadaalkaagii inuu miro-dhal noqday. Waxaan ka codsanayaa xukuumadda in ay sii waddo taageerada iyo dhamaystirka dhismaha maamulka aynu ku midownay ee Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Mad-deer.

Wasiirka dhallinyarada iyo isboortiga, Khalid Cumar Cali oo xubnaha guddiga ugu jira xukuumadda ayaa ku gubaabiyay dhinacyada in markii ay dib ugu laabtaan deeganadooda ay la yimaadaan dul-qaad iyo adkaysi, isagoo xasuusiyay in looga fadhiyo inay gogol nabadeed ku qanciyaan dadka wax tabanaya.

Intaa kaddib waxaa hadlay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya isagoo u mahad-celiyay guddiga kulana dardaarmay inuu miro-dhal noqdo heshiiskii ay ku kala saxiixdeen Muqdisho.

“Waxaan soo xirnay shirarkii muddo ka socday Muqdisho oo looga hadlayay arrimaha Koonfur Galbeed. Maalintii ugu horreysay oo aan Muqdisho isugu nimid waxaa idin dhex-yiil kalsooni xumo, waxaadna u kala fadhideen koox-koox, maantana waa Alle mahaddii inaad is dhex-fadhidaan, heshiiskii aad wada-gaarteen awgiis, diyaarna u tihiin inaad dadkiinna u wada adeegtaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray: "Baydhabo ayaad aadi doontaan si aad uga shaqeeysaan hawlaha ka dhiman dib-u-heshiisinta iyo dhamaystirka maamulka Koonfur Galbeed. Horumarka ay gaaraan shacabka Bay, Bakool iyo shabellaha Hoose waxaa furo u ah in la isku muujiyo kalsooni lagana dhabeeyo heshiiska la gaaray.”

Xukuumadda ayuu sheegay inay mar walba garab-taagnaan doonto ayna ka taageeri doonto guddiga wax walba oo fududeeynaya hannaanka maamul-sameeynta.

“Waxaan idin kula dar-daarmayaa in farxadda hadda idinka muuqata aad kula noqotaan shacabka deegaannadiinna, kana shaqaysaan soo celinta nabadda iyo is-dhex-galka bulshada si meesha looga saaro is-faham-waagii ragaadiyay horumarka gobolladaas," ayuu C/weli Sheekh hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey xubnaha guddiga ugu jira xukuumadda dadaalka dheer ee ay u galeen in xal laga gaaro khilaafaadkii muddada ka jiray gobollada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya