4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 4 , 2014
Gaari ku qarxay Muqdisho iyo Ilaalada Ra’iisul waasaraha oo dilay Qof rayid ah

Isniin, August 04, 2014 (HOL) — Gaari waxyaabaha qarxa a ku xirnaayeen ayaa xalay ku qarxay garaash ku yaalla agagaarka isgoyska Dabka ee Muqdisho, isagoo aan geysan wax khasaare nafeed ah. Iyadoo ilaalada ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ay isla xalay toogteen qof rayid ah.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga uu iskiis u qarxay xalay saqdii dhexe xilli la hurdayay, iyadoo qaraxan uu walaac geliyay dadka ku nool degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Ciidamada ammaanka ayaa waxay isla xalay sameeyeen howlgallo ay kusoo xirxireen tiro dad ah, inkastoo aanay weli arrintan ka hadlin hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya.

Baabuurka qarxay ayaa waxyeello xooggan gaarsiiyay gaadiid kale oo yaallay garaashka, waxaana tani ay qayb ka noqonaysa qaraxyo xilliyadii dambe kusoo kordhayay Muqdisho.

Illaa hadda lama oga in gaariga qarxay uu ahaa mid qaraxa horay loogu soo xiray iyo inuu ahaa mid isla goobta lagu diyaarinayay, waxaan bilihii aynu soo dhaafnay ka dhacayay Muqdisho qaraxyo lagu xiro gaadiidka.

Dhanka kale, ilaalada ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa xalay qof rayid ah ku toogtay agagaarka madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo dadka deegaanku ay sheegeen in wiilkan uu dhalay fannaan Soomaaliyeed.

“Wiilka la dilay waxaa lagu magacaabi jiray Mustafa Xasan Caato, waxaana dhalay nin fannaan ah oo deggen ex-fiyoore, maydkiisana saakay ayaa laga qaaday halkii xalay lagu toogtay,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka xaafadda oo ay saaxiibbo ahaayeen wiilka la dilay.

Askarta ilaalada u ah ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay inay wiilkan shaki ka qaadeen xili uu marayay dhabarka dambe ee guriga ra’iisul waasaraha oo ku dhow madaxtooyada, illaa haddana ma jiro war arrintan ku saabsan oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Marxuumka ayaa la sheegay in wiilka la toogtay xilli uu ku sugnaa albaabka hore ee gurigooda, waxaana tani ay qayb ka noqonaysa dilkii ugu horreeyay oo ay qof shacab ah u geystaan ilaalada ra’iisul wasaare, C/weli Sh. Axmed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya