4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 3 , 2014
Dowladda Hoose ee Xamar oo billowday qab-qabshada Mootooyinka Bajaajta


Axad, August 03, 2014 (HOL) — Ciidamada Dowladda Hoose ee gobolka Banaadir ayaa maanta waddooyinka Muqdisho ka ururiyay mootooyinka Bajaajka loo yaqaan ee saddexda lug leh oo ay dadweynuhu lacago yar ku raaci jireen.

Mootooyinkan oo aad ugu badnaa waddooyinka waaweyn ee Muqdisho ayaa maanta aad u yaraa, iyadoo wadayaasha qaarkood ay warbaahinta u sheegeen in lagu soo rogay amar ah inay iska diiwaan-geliyaan dowladda hoose ee Xamar.

“Dowladda Hoose waxay nagu amartay inaan iska diiwaan-gelinno dowladda hoose, ayna bixiyaan 10 doollar, maalintiina laga doonayo inay bixiyaan 20,000 oo shillin Soomaali ah oo u dhiganta hal doollar,” ayuu yiri Maxamed Cismaan oo ka mid ah wadayaasha mootooyinka saddexda lugood leh.

Sdioo kale, wadahan ayaa sheegay inaysan awood u lahayn inay bixiyaan dhaqaalaha lagu xiray, taasoo keentay buu yiri in ciidamada dowladda hoose ee Muqdisho ay billowdo inay mootooyinka qab-qabato.

Agaasimaha qaybta maaliyadda ee dowladda hoose, C/raxmaan Muxyaddiin Maxamed oo ka hadlay tallaabadan ayaa sheegay in dowladda hoose inay si cad u go’aansatay in mootoolayaashu ay bixiyaan lacagtan , way diideen taas ayaana keentay in la qabqabto.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dowladda hoose ee Xamar ay amarro ku soo bajaajka, iyagoo horay ugu soo rogay inay goostaan ogolaasho gaar ah oo mootoolayaasha loogu talo-galay, taasoo sababtay in maalmo dhowr ah ay wadayaasha mootooyinku shaqo-joojin sameeyaan

Qof shacab ah oo ka mid ah kuwa raaca mootooyinka ayaa isna warbaahinta u sheegay inay faa’iido badan ku qabeen mootooyinka, waayo meeshii aad u doonayso inaad deg-deg ku gaarto iyada ayaa kula cararaysa, balse maanta xannibaad badan oo dhinaca mootooyinka ah ayaa jirta.

Xarunta Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa tan iyo sannadkii hore kusoo kordhiyay mootooyinka loo yaqaan bajaajta, kuwaasoo dadka ku qaada tiro yar oo lacag ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya