4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 3 , 2014
Madaxweynaha Puntland oo qaabilay madaxda shirkadda CCECC [SAWIRRO]

Axad, August 03, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay mas'uuliyiin ka socda shirdkad Shiineys ah oo dhanka dhismaha ka shaqeysa.

Shirkaddan oo lagu magacaabo China Civil Engineering Construction Corporation(CCECC) ayaa ah shirkadda ku guuleysatey qandaraaska dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Madaxa shirkadda CCECC Yuan Li iyo Madaxweyne Gaas ayaa kawada hadlay qaabka loo dhisayo garoonka iyo weliba xilliga ay howsha dhismuhu bilaabmi doonto.

Mr Li ayaa Madaxweynaha u sheegay in dhismaha dhabbada ay diyaaraduhu ku ordaan (Run  Way) ee garoonka Boosaaso sida ugu dhaqsaha badan loo bilaabi doono.

Wuxuu intaas raaciyey in shirkaddu ay dhowaan qalabkeeda iyo shaqaalaheeda keeni doonto Puntland si ay howsha u guda galaan, isagoo dhanka kale ballan qaaday in garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso uu noqon doono mid la jaan qaada garoommada caalamiga ah ee ku yaalla Bariga Afrika.

Madaxweynaha Puntland ayaa isna sheegay in Puntland ay ka go'an tahay inay soo dhoweyso fursadna siiso cid kasta oo dooneysa inay maalgelin ku sameysato dhulka Puntland.

Gaas ayaa dhanka kale tibaaxay in haddii shirkadda CCECC ay ku guuleysato mashruuca lagu dhisayo jidka ay diyaaradaha waaweyni kusoo degaan ee garoonka Boosaaso fursad loo siin doono inay qandaraas ku qaadato mashaariic horumarineed oo kale, kuwaas oo mustaqbalka dhow laga hirgelin doono Puntland.

Shirkadda China Civil Engineering Construction Corporation(CCECC) oo fadhigeedu uu yahay dalka Shiinaha, waxay ku guuleysatey tartan ay shirkado badan oo kuwa dhismaha ahi u u galeen sameynta dhabbada ay diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya