4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 3 , 2014
In ka badan 500 oo Qoys oo Raashin gargaar ah loogu qaybiyay Beledweyne


Axad, August 03, 2014 (HOL) — Hay’adda bisha Cas Turkiga ayaa markii ugu horeysay dad dan'yar oo ku dhaqan magaalada Beledweyne u qeybisay raashin tayo leh, waxaana ka faa’ideystay deeqdan ku dhawaad 500 oo Qoys.

Mas’uuliyiinta hay’adda Bisha Cas oo maalintii shalay gaaray magaalada Beledweyne ayaa gargaarkan ka qeybiyay xeryaha dadka dan yarta ah ay ku nool yihiin ee afarta xaafadood ee magaalada Beledweyne.

Madaxa hay’adda Bisha Cas Turkiga ee Soomaaliya Mustafa Yalemis oo ka hadllay gargaarka ay soo gaarsiiyeen qoysaska dan'yarta uusan noqon doonin kii ugu danbeeyay, hasse ahaatee dhawaan ay filayaan in tiro ka badan intan soo gaarsiin doonaan gargaarka ay u baahan yihiin.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa dhinacooda sheegay in ay si weyn u soo dhaweynayaan deeqda raashinka ah ee la gaarsiiyay dadka dan yarta ah, iyaga oo ballan-qaaday in ay dhinaca nabad-galyada kala shaqeyn doonaan hay’addaha samafalka, gaar ahaan waxaa ay ku amaaneen hay’adda Bisha Cas Turkiga gargaarka micnaha leh oo ay u qeybiyeen qoysaskan waliba waqti ay u baahnaayeen.

Qoyskiiba ayaa la siiyay raashin ka kooban  50 Kgm oo isugu jiray bariis, sokor, baasto, saliid iyo caano nafaqeysan. Gargaarkan ayaa ku soo beegmay xilli shalay hay’adda bisha Cas Turkiga ay gaarsiisay isbitaalka Beledweyne deeq dawo ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya