4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 3 , 2014
Wasaarada Amniga Qaranka oo sheegtay inay soo Qabatay Hub la doonayay in Al-shabaab laga iibiyo


Axad, August 03, 2014 (HOL) — Wasaaradda Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay inay ku guuleysteen inay kusoo qabtaan hub isugu jira qoryo iyo rasaas howlgal ay xalay ka sameeyeen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Afhayeenka wasaaradda Amniga Qaranka, Maxamed Yuusuf oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in hubka ay soo qabteen ay ku jireen bambooyinka gacanta laga tuuro, isagoo xusay in ciidamada nabadsugidda Qaranka ay xaafadda Buulo-xuubeey ka sameeyeen.

“Kaddib markii aan warbixinno ka helay ilo wareed ammaan, ciidanku waxay sameeyeen howlgal deg-deg ah, waxaana lagu guuleystay in lagu soo qabto hub ay ka mid yihiin qoryo fudud, bambaano iyo rasaas,” ayuu afhayeenku sheegay.

Sidoo kale, wasiirka Amniga, Khaliif Axmed Ereg ayaa isagana u sheegay warbaahinta in ciidamada nabadsugiddu ay gacanta kusoo dhigeen rag hubka ku haystay guriga howlgalka laga sameeyay.

“Waxaan qabannay hub isugu jira kuwa gacanta, bambooyin iyo rasaas aad u badan, dadkii hubkan haystay oo ka iibinayay Al-shabaab iyagana gacanta ayaan kusoo dhignay, cadaaladda ayaana la horgeynayaa,” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka.

Ciidamada nabadsugidda Qaranka ayaa la sheegay inay howlgalkaas kusoo qabqabteen 14-qof oo la sheegay inay ahaayeen kuwii hubka haystay oo uu ku jiray sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu magacaabo Col. Cabdi Ileys.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo booqday xarunta hay’adda nabadsugidda Qaranka ee Muqdisho ayaa loogu bandhigay halkaas hubkii gacanta lagu soo dhigay, isagoo ammaanay howlgalkii ay xalay ciidamadu sameeyeen.

“Tani waa dhar-baaxo kale oo ku dhacday dambiilayaasha iyo argagaxisada caadeystay in ay dilaan dadka aanu jecel nahay, waana ammaanayaa ciidamadii howlgalkan sameeyay,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Howlgalkan ayaa noqonayaa kii ugu horreeyay noociisa oo ay xukuumaddu ku sheegto inay kusoo qabatay hub iyo waxyaabo kale oo la doonayay in laga iibiyo xarakada Al-shabaab.

Iska-horimaadkii xalay dhacay ayaa waxaa ku dhintay afar qof oo isugu jiray ciidamadii ilaalada ka hayay gurigaas iyo kuwa dowladda iyo shacab, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya