4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 3 , 2014
Kulan looga Hadlayay toosita Dhallinyarada oo Maanta Muqdisho lagu Qabtay


Axad, August 03, 2014 (HOL) — Kulan looga hadlayay sidii dhalinyarada loo tarbiyeyn lahaa looguna gudbin lahaa dhaqan wanagsan, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa soo qaban-qaabisay xarunta wada-hadalka bulshada ee CCD, waxaana ka qayb-galay odayaasha dhaqanka, culumaa'udiin iyo marti sharaf kale, iyadoo looga hadlay dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed.

Suldaan C/llaahi Cabdulle Wehliye oo ugu horreyn ka hadlay kulanka ayaa u mahad-celiyay CCD, wuxuuna ugu baaqay inay sii kordhiso kulammada iyo doodaha noocan oo kale ee bulshada loo qabto.

"Maanta dhibka jira wuxuu ku dhacay dhallinyarada, waxaa looga saari karaa in la wacyi-geliyo oo la baro dhaqanka suubban, diinta islaamka loogu sheego si sax ah iyo inay kasoo laabtaan jidka qaldan," ayuu yiri Suldaan Wehliye.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in loo baahan yahay in dhalinyarada ay qaataan waxa culummadu u sheegto ee saxda ah, kuwa la qalday la wacyi-geliyo oo tubta toosan la tuso iyo in la isaga kaashado sidii loo dhaqan-celin lahaa, bulshadana ay ku qaado kacdoon wacyi-gelin.

Macallin Maxamuud Cali oo ka hadlayay sababaha dhalinyarada ay ugu nug-laadaan colaadaha iyo dhibaatada dalka ka dhacaysa ayuu tilmaamay inay sabab u tahay dowlad la'aantii jirtay mudada labaatanka sano ahayd iyo inay helin daryeel iyo waxbarasho.

"Dhallinyarada waxay ugu nug-laadeen inay Al-shabaab ama koox kale ku biiraan iyo in colaadaha ay ka qayb-qaataan waxaa ugu wacan dowlad la'aanta, in dhalinyarada la jiheeyo waaye, waxbarasho loo sameeyo, la wacyi-geliyo dowladda ay u sameyso barnaamij," ayuu yiri Macallin Maxamuud oo ugu baaqay dhallinyarada inaysan mustaqbalkooda lumin.

Sidoo kale, C/llaahi Faarax Xeyle oo isna ka hadlay kulanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo abaabul heer gobol illaa degmo, si dhalinyarada hadda jirta dhaqankii la yaqaannay loo bari lahaa, isgoo xusay in odayaasha dhaqanka ay iska kaashadaan sidii si wadajir ah ugu gudbin lahaayeen dhallinyarada dhaqankii Soomaaliyeed ee soo jireenka ahaa.

Abwaan Maxamed Maxamuud Sahal (Shiddo) oo isaguna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ay door wanaagsan ka qaadan karaan wacyi-gelinta dhalinyarada, isagoo tilmaamay in odayaasha ay had iyo jeer hormuud u yimiid bulshada, ayna runta u sheegi karaan dhalliyarada kale ee la marin habaabiyay.

Nabaddoon Nuur Salaad ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ay uga qayb-qaadan karaan sugidda amniga, ayna tahay iyagoo wada-shaqeyn iyo xiriir toos la sameeya hay'adaha amniga, isla markaana la yeeshaan kulammo iyo wada-hadallo si-faham ku jiro.

Ugu dambeyn, xubnihii kulanka ka qaygalay isku weydaarsadeen fikrado iyo talooyin la xiriiray habka loo jiheyn karo dhallinyarada ee loogu abuuri karo shaqooyin iyo waxbarasho si aan colaadaha loogu hurin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya