4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 3 , 2014
Isbitaalka Magaalada Laascaanood oo lagu sameeyay dib u habeyn ballaaran

Axad, August 03, 2014 (HOL) — Isbitaalka guud ee magaalada Laascaanood ayaa isbedel lagu sameeyey kaddib markii ay iska kaashadeen mas’uuliyiinta caafimaadka iyo guddi deegaanka ah oo u badan ganacsatada.

Ku-simaha isku-duwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Sool, Dr. Bile Maxamuud Cali ayaa sheegay in isbitaalka lagu soo kordhiyay qaybo badan oo uu ka dayacnaa, isagoo ka xusay qaybta qalliinka oo ay keeneen dhakhtar, iyadoo dadka dhibaatooyinku soo gaaraan markii hore la geyn jiray deegaanno fog-fog, balse hadda kaddib lagu daweyn doono isbitaalka Laascaanood.

Bile oo ka hadlayay shir saxaafadeed ay is-bedelka kaga war-bixinayeen ayaa intaas ku daray inay soo wadaan illaa lix dhakhtar oo dhawaan soo gaari doona magaalada si ay uga hawl-galaan isbitaalka, isagoo u mahad-celiyay guddi deegaanka ah oo si aad ah uga kaalmeeyay baahida dhaqaale ee isbitaalku u baahanaa.

Agaasimaha isbitaalka, Fahiima Koosa-faare ayaa waxay iyaduna sheegtay in dadaal badan ay sameeyeen ay dib ugu soo nooleeyeen niyadii bulshada, iyadoo xustay inay ka maqan tahay gacantii qurbo-joogta taasoo ay ku tilmaantay midda ay gobolladu isku dhaafeen.

Sidoo kale, Fahiima ayaa sheegay inay weli jirto qalabyo ay baahi u qabaan oo ay awoodi waayeen inay soo iibsadaan; loona baahan yahay gacan in laga siiyo.

Xaliimo Barre iyo deeqa Kaliil oo ka mid ah dadka qurbo-joogta ah oo shirka saxaafadeed goobjoog ka ahaa ayaa iyaguna warbixin ka bixiyay sidii ay ku maqli jireen magaalada iyo sida ay hadda arkeen inay aad uu kala duwan yihiin, maantana waxa loo baahan yahay inaan qayb ka qaadanno ayay ka sheegeen shirka. Waxana kaloo xuseen inay sii wadi doonaan dadaalka ay ku doonayaan in isbitaalka Laascaanood uu noqdo mid dad leh.

Laga soo billaabo sannadihii 2005-tii, isbitaalka Laascaanood ma helin adeeg iyo dhakhaatiir si toosa uga hawl-gala oo baahida bulshada kaafiya; iyadoo marar badan la isku dayay in wax laga qabto laakiinse aan lagu guuleysan, waxayna arrintani wax weyn ka taraysaa dad badan oo dhibaatadu soo gaarto iyadoo isbitaallo loo wado ay dhex ku dhintaan.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool