4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 3 , 2014
TUUR-YARE: Qofkii Shabaab ah ee lasoo Qabto Waalidkiisna waa lala xirayaa


Axad, August 03, 2014 (HOL) — Gudoomiyaha maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida, G/sare C/raxmaan Maxamuud Tuur-yare oo la hadlay warbaahinta kaddib dil saddex dhallinyaro maanta ay maxkamaddu xukun toogasho ahaa ku fulisay ayaa in waaliddiin badan ay xiran yihiin, kuwaasoo uu ku eedeeyay inaysan soo wargelin wiilashooda oo ka mid ahaa Al-shabaab.

Col. Tuur-yare ayaa intaas ku daray in hadda kaddib dhalinyaro lasoo qabto ee Al-shabaab ka tirsan iyo waalidkoodna uu la xukun noqonayo, isagoo u waalidiinta Soomaaliyeed uga digay qarinaya caruurtooda ka tirsan Al-shabaab.

“Aabbayaasha iyo Hooyooyinka waxaan ka codsanaynaa inay nagu soo wargeliyaan haddii carruurtooda ay Al-shabaab ka tirsan yihiin; haddii lasoo qabto iyagoo aan nagu soo war-gelin, waalidkana waa lala soo qabanayaa, hal mar ayaana la xukumayaa; maxaa yeelay mas’uuliyad ayuu ku yeelanayaan dambiyada ay geysanayaan carruurtooda, taasna waa mid sharcigu qorayo,” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida.

Sidoo kale, Col. Tuuryare ayaa sheegay in kaalintooda ay dhiirran tahay, isla markaana maxkamada aysan ku daahi doonin dadka ka mid ah Al-shabaab ee dambiyada ka galay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida ayaa xusay inay horay ugu sheegeen waaliddiinta inay soo sheegaan carruurtooda ka mid ah Al-shabaab, isagoo si cad u sheegay inay jiraan waaliddiin ay carruurtoodu yihiin Al-shabaab oo xiran.

Hadalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo maxkamada ay dhallinyaro ka tirsan Al-shabaab ku toogteen Muqdisho muddo bil gudaheed ah, kuwaas oo ay ku jireen kuwo dilay gabar ardayad ahayd oo ay gurigeeda kala soo baxeen xilli fiid ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya