4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 3 , 2014
Qarax Muqdisho ka dhacay oo ay ku Wax-yeelloobeen Haweenka Nadaafadda


Axad, August 03, 2014 (HOL) — Qarax xooggan oo ka dhacay agagaarka carwadii hore ee degmada Hodan, ayaa waxay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay ugu yaaraan 10 ka mid ah haweenka ka shaqeeya nadaafadda.

Goobjoogayaal ayaa qaraxa kaddib laga soo xigtay in afar haweenkan ka mid ah ay ku dhinteen, halka lix kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana tani ay qayb ka tahay falal ammaan-darro ee ka jira Muqdisho, kuwaasoo sare u kacayay bilihii u dambeeyay.

Haweenkan waxyeelladu kasoo gaartay qaraxa ayaa waxaa la sheegay inay isku dayeen inay bac-madow uu qaraxu ku jiray ay goobta ay qashinka ka xaaqayeen ka qaadaan, balse ay si lama filaan ah ula qaraxday.

Gaadiidka gurmadka deg-degga ah oo goobta gaaray ayaa waxay goobtaas ka qaadeen haweenka dhimashada iyo dhaawucu kasoo gaaray qaraxaas oo ahaa mid xooggan oo laga maqlay xaafado badan oo Muqdisho ka tirsan.

Taliyaha booliiska degmada Hodan, Col. Maxamed Daahir iyo ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa goobtaas gaaray, iyadoo taliyaha uu sheegay in dhimasho iyo dhaawac uu sababay dhimashada, iyagoo halkaas ka billaabay howlgal ay ku baadi-goobayaan walxo kale oo qarxa iyo kooxihii ka dambeeyay qaraxan.

"Falkan waxaa ka dambeysay Al-shabaab waxaana ku dhintay in ka badan saddex dumar ah, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro kale, waxaana socda baaritaanno lagu raadinayo kuwii goobta soo dhigay bacda uu qaraxu ku jiro," ayuu yiri Col. Maxamed Daahir oo qaybo ka mid ah warbaahinta kula hadlay goobta.

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, iyadoo tani aysan ahayn markii ugu horreysay oo qaraxyo la qariyay ay waxyeello noocaan oo kale ah kasoo gaarto haweenka nadaafadda ka shaqeeya.

Qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee lala beegsado haween ka shaqeynayay nadaafadda ayaa sannadkii 2010 wuxuu ka dhacay waddada Maka Al-Mumarama, iyadoo ay ku dhinteen 15-haween ah ayna ku dhaawacmeen in ka badan 50-kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya