4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 3 , 2014
Maxkamadda Ciidammada oo toogatay saddex qof oo Al-shabaab ka tirsanaa


Axad, August 03, 2014 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Somalia ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay saddex ruux oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo ay horay u xukuntay maxkamadda ciidamada.

Dilka toogashada ah oo ka dhasay fagaaraha iskool bulusiyo ayaa waxaa ka ahaa goobjoog, saraakiisha ciidamada, mas’uuliyiin ka tirsan maxkamadda iyo dadweyne u soo daawasho tagay sida uu dilku u dhacayo.

Saddexda ruux ee la toogtay ayaa waxay magacyadoodu kala ahaayeen: Xasan Muxudiin Xasan oo ka mid ahaa xubno bishii hore weerar ku qaaday xarunta madaxtooyada Soomaaliya, Aadan Maxamed Xasan iyo Bashiir Xasan Maxamed oo lagu eedeeyay inay dil u geysteen ruux Soomaali ah.

Xubnahan saakay la toogtay ayaa waxaa horay xukunno dil ah ugu ridday maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada xoogg dalka, inkastoo ay mar kale xukunno ku ridday maxkamadda sare ee ciidamada xoogga dalka.

Maxkamadda ciidamada xoogga dalka ayaa xoojisay dilalka ay ku fulinayso dadka ay xukunnada ku riddo ee ka tirsan Al-shabaab, iyadoo saraakiisha sare ee maxkamadda ay sheegeen inay tani qayb ka tahay inaysan ku daahin xoogagga ka tirsan Al-shabaab gacantooda.

Dhallinyarada ka tirsanaa Al-shabaab ee saakay la toogtay ayaa waxay ka dhigayaan sagaal ruux xukunno dil ah oo ay maxkamaddu ku fulisay xubno Al-shabaab ka tirsan muddo bil gudaheed ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya