DAAWO SAWIRRO: Qarax ka dhacay Geerash lagu iibiyo Gaadiid iyo Shidaal


Axad, Ogoosto 24, 2014 (HOL) — Qarax saaka ka dhacay garaash gaadiidka lagu iibiyo iyo bakhaaro ku dhaggan oo shidaalka lagu iibiyo oo ku yaalla isgoyska Baar Ubax ee Muqdisho iyadoo uu ka dhashay khasaare hantiyeen oo aad u fara badan.

Lama sheegin wax khasaare nafeed ah oo uu dabkan dhaliyay, iyadoo damintiisa ka qayb-qaateen dab-damisyo ay leeyihiin shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo kuwa maamulka gobolka Banaadir.

Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay qaraxa khasaarahaan dhaliyay ee ka dhacay garaashkaas, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo uu qarax noocan oo kale ah lala beegsado garaash ay ku jiraan gaadiid iyo shidaal ganacsi ah.







Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya