4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 2 , 2014
Iska-horimaad caawa Muqdisho ku dhexmaray Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya


Sabti, August 02, 2014 (HOL) — Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay geeriyooday iska-horimaad culus oo ciidammo kawada tirsan kuwa dowladda Somalia caawa ku dhexmaray xaafadda Buulo-xuubeey ee degmada Wadajir.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii ciidammo ka tirsan kuwa nabadsugidda ay weerareen guriga sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka, wararka ayaa sheegaya in guriga sarkaalkan uu yaallo hub, taasna ay tahay sababta ay ciidamada nabadsugidda ka tirsan u weerareen gurigaas.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo, Cabdi Ileys oo hadal kooban siiyay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in ciidammo ay kusoo weerareen gurigiisa uuna iska difaacay, balse ma bixin faahfaahin intaas ka badan.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay HOL inay ku dhinteen dagaalka afar ruux oo ay ku jiraan dhinacyadii ciidamadii dagaalamay, iyagoo intaas ku daray in dad shacab u badan ay ku dhaawacmeen.

“Iska-horimaad xooggan ayaa dhexmaray ciidan kawada tirsan kuwa dowladda, waxaana iska-horimaadka oo muddo kooban socday uu yimid kaddib ciidammo nabad-sugidda ka tirsan ay weerareen guriga sarkaalka ka tirsan ciidamada milateriga. Anigu waxaan arkay dhimashada afar qof oo askar iyo shacab isugu jiray iyo dhaawac dad shacab h oo ay ku jireen afar gabdhood oo dhallinyaro ah,” ayay tiri Nuuro Ciise oo ka mid ah dadka ku nool xaafadda Buulo-xuubeey.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalku uu billowday xilli ay dadku ku fiidsanayeen laamiga weyn ee xaafaddaas mara iyo xaafadaha, markii ay rasaastu billaabatayna ay inta badan dadku guryahooda galeen.

“Cabsi weyn ayaa nala soo daristay, waayo xilliyo dhow lagama maqal xaafadda rasaas sidan oo kale ah, runtii cabsi weyn ayaa na-haysa,” ayuu yiri Cali Muuse oo isaguna ka mid ah dadka xaafaddaas ku nool.

Dhanka kale, saraakiil ciidan iyo wasiirro xukuumadda ka tirsan ayaa gaaray guriga markii uu dhamaaday weerarka, inkastoo aan wax badan laga ogeyn wixii ay kawada hadleen iyaga iyo Cabdi Ileys oo ah sarkaalka gurigiisa lagu qaaday weerarka.

Ciidamadii nabad-sugidda Qaranka ee weeraray guriga sarkaalka ayaanay u suuro-gelin inay gudaha u galaan guriga sarkaalka, waxaana haatan labada ciidamadii nabadsugidda ay ku sugan yihiin agagaarka guriga sarkaalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya