4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 2 , 2014
Guddiga Ammaanka Baarlamaanka oo Su’aalo Weydiinaya Wasiirka Amniga

Sabti, August 02, 2014 (HOL) — Guddiga Ammaanka golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay maalinta berri ah kulan ku saabsan amniga Muqdisho iyo dilalkii loo geysanayo xildhibaanno baarlamaanka ay la yeelan doonaan wasiirka Amniga Qaranka.

Xildhibaan Daahir Amiin Jiisoow oo ah guddoomiye ku xigeenka guddigan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in guddigooda uu soo qaban-qaabiyay ayna doonayaan inay wasiirka Amniga Qaranka, Khaliif Axmed Ereg ay wax ka weydiiyaan dilalka is-daba-joogg ah ee ay Al-shabaab ku hayso xubnaha baarlamaanka, askarta iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Innaga ayaan soo diyaarinnay kulankan, waana mid aan uga doonayso inuu sharraxaad uga bixiyo wasiirka amniga falalka ammaan-darro ee Muqdisho ka dhacaya iyo dilalka xidhibaannada,” ayuu yiri xildhibaan Jiisoow.

Sidoo kale, xidhibaan Jiisoow ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin falalka ay Al-shabaab ka geysanayaan Muqdisho, isagoo xusay in goobaha ay inta badan dilalka ka geystaan ay yihiin goobaha ay ku xooggan tahay dowladda.

“Amniga Muqdisho ma ahayn mid wanaagsan, waxaana falalka ugu badan ee dhacaya ay soo billowdeen billowgii bishii Ramadaan. Sida aad ogtihiin qaar ka mid ah xildhibaanada baarlmaanka oo saddex xubnood ah, taasna waa mid aan la qaadan karin,” ayuu xildhibaan Jiisoow u sheegay wariyeyaasha.

Wasiirkii hore ee Amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed oo bishii May ee sannadkan iska casilay xilka ayay dhowr jeer xidhibaannada baarlamaanka wax ka weydiiyeen amniga Muqdisho, xilli ay Al-shabaab weerarro is-daba-joog ka geysanayeen caasimadda.

Guuleed ayaa isku casilay weerar ay dhammaadkii bishii May ee sannadkan ay xoogag ka tirsan Al-shabaab la beegsadaan baarlamaanka Somalia, kaas oo ay ku dhinteen askar isugu jira Soomaaliya iyo AMISOM.

Khaliif Axmed Ereg oo hadda ah wasiirka amniga qaranka ayaa waxaa xilka u magacaabay 90-kii bishii lasoo dhaafay, kaddib markii Al-shabaab weerar ay la beegsatay xilli maq-ribadii ah xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya