4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 2 , 2014
Kooxo Bastoolado watay oo Ganacsade ku dilay Deegaanka Ceelasha-biyaha

Sabti, August 02, 2014 (HOL) — Ganacsade Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo koobay, Xasan Saciid ayay kooxo hubeysani ku dileen xalay deegaanka Ceelasha-biyaha ee duleedka Muqdisho, kaasoo dukaan ku lahaa agagaarka saldhigga deegaankaas.

Wararka ayaa sheegaya marxuumka la dilay xilli uu kasoo tagay goobtiisa shaqada oo uu kusii jeeday gurigiisa, waxayna goobjoogeyaal saxaafada la hadlay ayaa sheegeen inay marxuumka rasaas ku fureen kooxo bistoolado ku hubaysnaa.

Kooxihii dilka marxuumka geystay ayaa goobta ka baxsatay, iyadoo aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda dilkiia marxuumkaas; iyadoo dilkan uu ka mid noqonayo dilal ay Al-shabaab ka geysanayeen Muqdisho iyo daafaheeda tan iyo billowgii bishii Ramadaan.

Deegaanka Ceelasha-biyaha oo ka mid ah goobaha ay ka taliso dowladda Soomaaliya ayaa ciidamada dowladda ee ku saabsan dilka ganacsadihii lagu dilay xalay deegaankaas.

Saraakiisha Al-shabaab ayaa horay u sheegay inay beegsan doonaan ruuxii ay uga shakiyaan inuu gacan-saar la leeyahay dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho.

Dhanka kale, lama garanayo sababta keentay inay kooxahan hubeysan dil u geystaan ganacsadahan oo goobtiisa shaqo ka yimid, waxaana dukaanka uu lahaa ganacsadaha uu ku dhawaa saldhigga ciidamada ee Ceelasha-biyaha.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya