4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 2 , 2014
Marxuum Sheekh Aadan Mad-deer oo Maanta lagu Aasay Isbitaalka Madiina


Sabti, August 02, 2014 (HOL) — Marxuum, Sheekh Aadan Sheekh Mad-deer oo ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo ay kooxo hubeysan ku dileen magaalada Muqdisho Jimcihii ayaa maanta lagu aasay isbitaalka Madiina, iyadoo ay ka qaybagleen aaskiisa xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya.

Salaaddii Janaasada ayaa marxuumka lagula tukaday masaajidka is-bahaysiga Islaamka, iyadoo ay ka qayb-galeen janaasada madaxda ugu sarreysa dalka, xildhibaanno, wasiirro iyo qaar ka mid ah ehelladiisii.

Janaasada kaddib ayaa maydka marxuumka loo qaaday isbitaalka Madiina halkaasoo lagu aasay, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen aaska qaar ka mid ah xildhibaannadii ay isla shaqeynayeen iyo wasiirro ay horay u soo wada-shaqeeyen.

“Waxaan maanta halkaan u joognaa aaska marxuum Siikh Aadan Mad-deer oo ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya. Muddo badan ayaan isla soo shaqeynay, wuxuuna ahaa qof dadka ay isla shaqeynayaan ay isku wanaagsan yihiin si wanaagsanna ula dhaqma. Wuxuu ahaa mas’uul u soo halgalay dalkan oo wax badan u qabtay,” ayuu yiri wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Soomaaliya, Saalim Caliyoow Ibroow oo ay muddo badan soo wada-shaqeeyeen marxuumka.

Xildhibaannadii iyaguna goobta ka hadlay ayaa ku tilmaamay marxuumka in uu ahaa nin howl-kar ah oo dabeecad wanaagsan, iyagoo dilkiisa ku sheegay mid khalad ah, waxayna ugu baaqeen hay’adaha amniga dowladda inay deg-deg uga jawaabaan dilka xildhibaanka iyo kuwii kale ee Muqdisho lagu dilay sannadkan.

Intii uu socday aaska marxuumka ayaa waxaa la adkeeyay ammaanka, iyadoo la dhigay waddooyinka isku xira madaxtooyadai yo isbitaalka Madiina askar badan oo u diidayay gaadiidku inay isticmaalaan.

Aaska marxuumka ayaanay ka qaybgelin madaxda dalka, inkastoo uu C/weli Shiikh oo ah ra’iisul wasaaraha dalka uu ka qaybgalay aaskii laba toddobaad ka hor Isbitaalka Madiina loogu sameeyay xildhibaanad Saado Cali Warsame oo ka mid ahayd xildhibaannada baarlmaanka Soomaaliya.

Kooxo hubeysan ayaa degmada Xamar-weyne xilli uu kasoo baxay salaaddii Jimcaha ee shalay oo uu kusoo tukaday masaajidka Marwaas, waxaana dilka marxuumka sheegatay Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya