4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 2 , 2014
Kulan looga hadlayay Siyaasadaha iyo H. Maamulka oo Muqdisho lagu Qabtay


Sabti, August 02, 2014 (HOL) — Shir-cilmiyeed lagu soo bandhigay daraasaado laga sameeyay siyaasadaha guud iyo hormarinta maamulka (Public Policy and Administration Development) dalka oo ah kii ugu horreeyay oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulan-cilmiyeedkan oo ay soo qaban-qaabisay Jaamacada SIMAD ayaa waxaa kasoo qayb-galay mas'uuliyiin ay ka mid yihiin, wasiiirka hidaha iyo tacliinta sare, Ducaale Aadan Maxamuud, guddoomiyaha jaamacadda SIMAD, agaasimaha machadka daraasaadka siyaasadda Heritage, macallimiin arday iyo marti-sharaf kale oo shirka lagu casuumay.

Agaasimaha xafiiska xiriirka guud ee jaamacadda SIMAD, Cabdikariin Muxyaddiin oo shirka ugu horreeyn ka hadlay ayaa sheegay in muhiimadda shirkan tahay in la abuuro fursad ay dadka aqoon-yahannada, ardayda iyo xirfadlayaal ay isku dhaafsadaan macluumaad daraasadda lagu sameeyay.

Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa til-maamy in jaamacaddu ay waqti ku bixisay in dalka gudihiisa lagu qabto shirkan si loo helo xog ku saleysan cilmi, isla markaana la helo talooyin qayb ka qaadata go'aannada ay madaxdu wax ku saleeyeen.

Shirka waxbarasho ayaa diiradda lagu saarayay maamulka guud ee Somalia, iyadoo uu khudbad ka jeediyay agaasimaha machadka daraasaadka siyaasdda Heritage ee Muqdisho, C/raxmaan Caynte, isagoo tilmaamay inay tallaabadan tahay fikrad cusub oo dhiirri-gelinaya kor u qaadidda hal-abuur ku saleysan, iyadoo loo marayo cilmiga.

Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare ee dowladda Soomaaliya, Ducaale Aadan Maxamed ayaa madasha shirka ka sheegay in dowladda Somalia ay dhiirri-gelineyso shirarka noocaan oo kale ah ay horseedayaan in sare loo qaado in daraasad rasmi ah lagu sameeyo gudaha dalka.

Shirkan oo socday laba casho ayaa inta badan waxaa daraasadaha iyo doodda qaarkood xoogga lagu saarayaa arrimaha federaalka iyo suuro-galnimada qaadashadiisa.

Ugu dambeyn; waxaa shirkan shahaadooyin lagu guddoonsiiyay cilmi-baarayaashii qoraalada kusoo bandhigay madasha shirka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya