4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 2 , 2014
Qurbo-joogta Jubbooyinka oo wada Dadaallo ay wax ugu Qabanayo Shacabka
Sabti, 02 Aug, 2014 (HOL) :- Iyadoo magaalada Kismaayo ay ku yaallaan in ka badan 60 Xero oo ay ku jiraan dad barakacayaal ah oo ay heeystaan dhibaatooyin dhanka nolosha ah ayay qurbajoogta kasoo jeeda deegaanada Jubooyinka waxa ay wadaan dadaallo wax loogu qabanayo dadkaasi.

C/rashiid Ugaas C/laahi oo kamid ah qurbajoogta u dhalatay deegaanada Jubooyinka ayaa waxa uu ceel biyood ka qoday deegaanka Dalxiiska oo ay deganyihiin kumannaan qof oo barakacayaal

ah kuwaasoo mudooyin aad u fog ka cabanayay dhibaato biyo la’aaneed, iyadoo biyo macaan laga heli karo dhulka ay deganyihiin balse ay waayeen cid ceelal uga qoda.

Maamulka Jubba ayaa dhawaan deegaanka dalxiiska dejiyay dad ku guryo beelay roobab ka da’ay degmada Kismaayo, iyo qaar kale oo kasoo barakacay deegaano ka tirsan gobolka J/hoose.

Max’ed Dhaqane oo ah gudoomiye kuxigeenka gudiga barakacayaasha gobolka J/hoose ayaa sheegay in dadka ku nool xerada dalxiiska ay heysato dhibaato kala duwan, isagoo xusay in ay

ugu darantahay dhibaato ka heysata dhanka helitaanka biyaha caadiga ah ee la cabo, kuwaasoo uu xusay in meelo fog looga keeno islamarkaana laga iibiyo.

Sheekh Axmed Siiro oo kamid ah culumaa’udiinka gobolka J/hoose ayaa ugu baaqay qurbajoogta ku nool dalka dibadiisa in ay soo caawiyaan walaalahooda ku dhibaateeysan gudaha dalka.

“Dadka ilaahay wax siiyay ee ku nool qurbaha waxaan leeyahay walaalayaaloow hadii ilaahay idin siiyay nabad, caafimaad iyo waxbarasho ay carruurtiina idiin heystaan waxa jiro dad iska daa adeegyadii kale ay noloshoodu halis ugu jirto biyaha caadiga ah ee la cabo,” ayuu yiri Sheekh Axmed.


Barakacayaasha ku nool magaalada Kismaayo ayaa u baahan kaalmo biniaadanimo, waxaana dadkani ay aad uga cabanayaan dhinacyada, caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo weliba raashiinka quutul duruuriga ah oo aysan intooda badan heli karin.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya