4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 2 , 2014
Hay’adda Bisha Cas Turkiga oo deeq dawo ah gaarsiisay isbitalka Beledweyne


Sabti, August 02, 2014 (HOL) — Hay’adda Bisha Cas Turkiga ayaa maanta markii ugu horeysay deeq dawo ah gaarsiiyay isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne, kaddib codsiyo is daba joog ah oo ay horay u jeediyeen maamulka isbitaalka.

Madaxa hay’adda Bisha Cas Turkiga ee Somalia Mustafa Yulimas oo uu la socdo madaxa howlgalada mashaariicda hay’adda oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo  oo ay ka wadda hadlleen arrimo la xiriira gargaarka ay ugu talagashay hay’addaha guud ahaan gobolka gaar ahaan magaalada Beledweyne.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca maaliyada ee maamulka Beledweyne Bashiir Xusseen Dhoore ayaa sheegay in deeqdan ay soo gaarsiiyeen saraakiisha hay’adda bisha Turkiga isbitaalka Beledweyne tahay mid aad loogu baahnaa, isaga oo sheegay in kaalmadan aysan noqon doonin tii ugu danbeysay, laakiin uu rajeynayo in marar kale oo badan ay caawin doonaan isbitaalka.

“Horay waxaan isku aragnay mas’uuliyiin ka soctay safaarada iyo hay’adda bisha cas Turkiga oo aan ka wada hadalnay baahiyaha jira, waxaana muuqata in durbaba dowladda Turkiga jawaab ka bixisay codsiyadii aan u jeedinay,” ayuu yiri Bashiir Xusseen Dhoore.

Mas’uuliyiinta isbitaalka Beledweyne oo deeqda  guddoomay ayaa sheegay in gargaarkan la soo gaarsiiyay waqti ay siweyn ugu baahnaayeen, iyaga oo intaa ku darray in dawada loogu deeqay noqoneyso tii ugu ballaarneyd oo la soo gaarsiiyo tan iyo markii ay isbitaalka isaga baxeen hay’addihii gacanta ku hayay.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca maaliyada maamulka Beledweyne, Bashiir Xusseen Dhoore ayaa sheegay in maamulka heer degmo ballan-qaadayo wada shaqeyn dhab ah iyo in ay u fududeeyaan hay’addaha Turkiga gargaarka dadka dhibaateysan iyo fulinta mashaariic sidda uu sheegay ay ka filayaan in ay ka  fuliyaan magaalada Beledweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya