4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 2 , 2014
Madaxweynaha oo Kulan Wada-tashi ah la Qaatay Dhallinyaro Soomaaliyeed


Sabti, August 02, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay dowladdiisu mudnaan siineyso dhallinyarada oo uu ku tilmaamay inay yihiin cudud aan looga maarmin nabadeynta, dib u dhiska iyo horumarinta dalka.

Xasan Sheekh ayaa xusay in fursadaha dhallinyaradu ay yihiin kuwo aan xad lahayn, wuxuuna ku dhiiri-geliyay inay is abaabulan oo ay ku midowdoobaan hal-hoggaan oo xaqiijiya xuquuqdooda; isla markaana ku haga gudashada waajibaadka ka saaran dalka.

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray inay dowladdu dooneyso inay dhalinyarada kala shaqeyso dhinacyada siyaasadda, sugidda ammaanka, waxbarashada, caafimaad, horumarinta adeegyada iyo kobcinta dhaqaalaha.

Sidoo kale, wuxuu madaxweynuhu maanta Madaxtooyada kulan quraac ah kula qaatay dhallinyaro ay ka mid yihiin kuwa shaqeeya, kuwa wax-barta, madax ururrada dhallin-yarada iyo qaar kasoo laabtay dibadda. Wuxuuna ka dhageystay erayo isugu jiray codsi, su’aalo iyo talooyin ay dhallinyaradu soo jeediyeen.

Madaxweynaha ayaa intaas kaddib ka jawaabay su’aalaha isagoo sheegay in talooyinka iyo codsiyadooda la tix-gelin doono. Isagoo u ballan-qaaday in kulammada noocan ahi ay hadda kaddib sii socon doonaan.

Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda Somalia Khalid Cali Cumar oo isaguna kulankaas khudbad ka jeediyay ayaa soo bandhigay waxqabadka wasaaradda iyo inay diyaarisay xarun ay dhallinyaradu ku shiraan ayna ku wadaagaan ra’yigooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya