4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 2 , 2014
BIIXI: Waxaan kiraysanay shirkad nagala talisa Maalgelinta Dekadda Berbera

Sabti, August 02, 2014 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay inay kiraysteen shirkad kala talisa sida ay u doonayaan in loo maal-galiyo dekadda Berbera, isla markaana aqoon u leh arrimaha Dekadda maadaama oo aanay aqoon sare u lahayn arrimaha maalgalinta dekadaha.

Sidoo kale, wasiirku waxa uu sheegay inay u qorshaysan tahay sidiii Tareen isku xidhi doonna Itoobiya iyo Somaliland loo samayn lahaa iyo sidii loo dhisi laha wadadda dekadda Berbera iyo Itoobiya.

Wasiirka oo sharaxaya shirkadda Ballore ee maamusha Dekadaha oo ay damacsan yihiin inay heshiish maalgashi oo ay ku samaynayaan Dekadda Berbera lagallaan ayaa yidhi “ shirkaddan Ballore waxay xiisaynayaan inay maalgaliyaan dekadda Berbera, marka waxaanu is nidhi intii niman idinka xariifsani qalinka idinku xadi lahaayeen maadaama oo aynaan aqoon u lahayn arrimaha dekadaha waxaanu kiraysanay shirkad la yidhaa MTBS  oo reer Holland ah, taas oo wakiil inaga noqon doonta oo sida aanu wax u rabno nala diyaarinaysa”.

“Shirkadda Ballore in badan ayaanu is aragnay oo ay noo yimaadeen, waxaanay na soo tuseen dekadaha ay maamulaan ee ku yaalla  wadamadda Nayjeeriya,Kongo, iyo meelo badan ayey na geeyeen, laakiin waa in aad loo qiimeeyaa oo wax inoo cuntaba kula heshiinaa maadaama oo arrintani tahay mustaqbalkeenii”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Wasiirka oo ka hadlaya mashaariic kale oo maalgalin ah oo ku dhex jira maalgalinta dekadda waxa uu yidhi “Hawlo badan ayaanu ku jirnaa, mashruucan Dekada iyo Ballore  waa mashruuc balaadhan oo aan ku eekeen  uun dekadda oo qudha, waxa jira in jidka dheer ee Itoobiya iyo Dekadda isku xidhaya la hagaajiyo, Free Zone waa mashruuc kale oo dekadda loo samaynayo  iyo  In Tareen la sameeyo iskaga gudba Dekadda Berbera iyo Itoobiya iyo kuwo kale”.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland