4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 2 , 2014
Nuxurka Khudbaddii Madaxweyne Puntland ee Xuska 1da August [SAWIRRO]

Sabti, August 02, 2014 (HOL) —Xarunta Baarlammaanka Puntland ee magaalada Garoowe, waxaa xalay ka dhacday munaasabad ballaaran oo lagu xusayey sanad guurada 16aad ee kasoo wareegtey markii la dhisay maamulka Puntland Bishii Agoosto sanadkii 1998.

Xafladda oo ahayd mid si weyn loosoo agaasimay, waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiinta ugu sarreeya dowladda, madax ka socotey goleyaasha wasiirrada iyo baarlammanka, saraakiil ka tirsan Hay'adaha Qaramada Midoobey iyo marti-sharaf kale oo isugu jirtey; madax dhaqameed, sugaan-yahan, haween iyo dhallinyaro.

Munaasabaddu intii ay socotey waxaa laga jeediyey khudbado kala duwan oo ka turjumayey taariikhda Puntland, qaabkii lagu dhisay maamulka Puntland iyo mustaqablka halka ay higsaneyso. Mas'uuliyiinta madashaas ka khudbeeyey waxaa kamid ahaa Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo isagu jeediyey khudbad qaadatay qaddar labaatan daqiiqo ku dhow.

Ugu horreyn, madaxweynuhu wuxuu khudbaddiisa ku sheegay inay sharaf weyn u tahay kasoo qayb galka munaasabadda lagu maamuusayo 16sano guuradii kasoo wareegtey dhismaha maamulka Puntland. Intaas kaddib, wuxuu u mahadceliyey guddiga qaban qaabada, kasoo qayb galayaasha xafladda iyo dhammaan dadka reer Puntland kuwa dalka jooga iyo kuwa dibaddiisa ku sugan.

Mahadcelinta kaddib, Madaxweynuhu wuxuu ka sheekeeyey qaabkii lagu soo dhisay Puntland, marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay iyo heerka ay xilligan taagan tahay, isagoo xusay in caqabado badan laga soo gudbay horumar baaxad lehna lagu tallaabsaday tobankii sano ee ugu dambeeyey.

Farriin ayuu u diray dadka reer Puntland, wuxuuna ugu baaqay: inay midnimadooda xoojiyaan, in ay midnimada Soomaalida taageeraan, in ay sharciga dhowraan iyo weliba in ay dowladdooda gacan siiyaan kalana shaqeeyaan dhanka horumarinta arrimaha bulshada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Mar uu ka hadlayey waxyaaba u qorsheysan xukuumaddiisu inay ku dhaqaaqdo mustaqbalka dhow wuxuu soo hadal qaaday dhowr qodob oo muhiim ah, kuwaasoo ahaa:
  1. Tayeynta ciidamada qalabka sida
  2. Kobcinta dakhliga dowladda iyo uruurinta cashuuraha barriga.
  3. Dib u eegista tayada shaqaalaha dowladda.
  4. Tayeynta iyo dib u eegista cadaaladda.
  5. Dib-u-heshiisiin iyo turxaan bixin laga dhex sameynayo beelaha Puntland.

Burcad-badeedka:

Burcad-badeedka oo sanado kahor xeebaha Puntland saldhigyo waaweyn ku lahaa ayuu Mudane Gaas khudbadiisa kusoo hadal qaaday. Wuxuu sheegay in xilligan Puntland wax burcad-badeed ahi haba yaaraatee aanay joogin hal markabna aan lagu haysan.

In Puntland laga sifeeyo shufto-badeedka wuxuu sabab uga dhigay inay ku timid dadaalka dowladda, dadka reer Puntland iyo beesha caalamka oo iskaashanaya meelna uga soo wada jeestey sidii xeebaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliyaba looga dhigi lahaa kuwo si nabad ah loo mari karo.

Tahriibka Dhallinyarada:

Iyadoo sanadkan iyo kii ka horeeyey ee 2013 ay aad kor ugu kacday tirada dhallinyarada ka tahriibaya Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Puntland ee ka gudbaya Badda dhexe si ay u gaaraan Qaaradda Yurub ayaa arrintaas waxaa xalay khudbadiisa kusoo qaaday Madaxweyne Gaas.

Nasiib darro ayuu ku tilmaamay in dhallinyarada oo ah xooggii iyo maskaxdii dalku inay raxan raxan da tahriibaan nafahoodana halis geliyaan. Arrintaas wuxuu sheegay in dowladdu qorshe cad ka samaysay, qorshahaas oo isugu jira wacyi gelin iyo shaqo abuur loo sameyn doono da'yarta si looga baajiyo inay khatar ku dhacaan.

Safarradiisii uu dalka dibadiisa kusoo maray:

Isagoo ka warbixinaya socdaallo dhowr ah oo uu ku tegey dalal u badan kuwa ay Soomaaliya deriska yihiin, wuxuu sheegay in dhammaan booqashooyinkaasi ay salka ku hayeen sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo dalalka ay saaxiibka yihiin.

Dhulka Puntland oo sida Madaxweynuhu uu tilmaamay ah dhul qani ah, wuxuu tibaaxay in mustaqbalka dhow mashaariic horumarineed oo dhowr ah laga fulin doono, mashaariicdaas o badankooda ay maal gelin doonaan dalalka ay Puntland saaxiibka yihiin.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya