4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 2 , 2014
Midowga Afrika oo u hakiyay Ciidamada Sierra Leone cabsida laga qabo Ebola

Sabti, August 02, 2014 (HOL) — Howl-galka AMISOM ee Somaliya ayaa hakiyay tiro ciidamo ah oo ka socda Sierra Leone, kuwaasoo iman lahaa magaalada Muqdsiho ,sababo la xiriira shaki laga qabo in cudurka Ebola uu u soo gudbo Soomaaliya.

Afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Cali Aaden Xaamud ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Associated Press khamiistii la soo dhaafay in go’aan ka soo baxay Midowga afrika lagu hakiyay imaanshaha ciidamadan.

“Waa qayb kamid ah dadaallada aan ku doonayno in aan kaga hortagno in cudurka Ebola uu soo gudbo dalkan iyo waliba dariska “ayuu yiri Xaamud oo sheegay in walaaca laga qabo cudurkan uu aad u sii kordhayay baryahan.

Dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee ku howlan ka hortaga Ebola ayaa warbixin ay maalmo ka hor soo saareen ku sheegay in ay adag-tahay xakaymayntiisa ,iyadoo Qaramada Midoobay iyo hay’adaha qaabilsan dhanka caafimaadka ay wali la taacaalayaan sidii loo yaran lahaa.

Dowladda Sere loene ayaa ah dowladda shanaad ee ciidamada ugu badan ay ka joogaan Soomaaliya ,iyaga oo qayb ka ah howlgalka AMISOM, waxana qaarkood ay iminka howl-gal u joogaan magaalada Kismaayo ee xarunta Jubadda Hoose.

Ugu danbayntii dad lagu qiyaasay 700- ruux ayaa dalkaas ugu geeriyooday xanuunka Ebola,iyadoo dalka labaad ee dhibatadan ay ku habsatay uu yahay Liberia oo daris la ah Serie loene.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]