4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 2 , 2014
Guddida Fulinta ee Saxaafadda Somaliland oo xilkii ka qaaday Guddoomiyaha

Sabti, August 02, 2014 (HOL) — Guddida fulinta ee ururka Saxaafadda Somaliland  ee SOLJA, ayaa sheegay inay xilkii ka qaadeen gudoomiyihii ururkoodda Xasan Maxamed Yuusuf, isla markaana ay gudoomiye ku meelgaadh ah u doorteen Mustafe Sheekh Cumar Geeddi.

Sidaasna waxa ay ku sheegeen shirjaraa’id oo ay ku qabteen xafiiskoodda magaaladda Hargeysa, waxaanay gudoomiyahooda ku eedeeyeen in ururkooddii uu ka iibinayo xukuumadda, isla markaana uu u gacan galinayo wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Cukuse.

“Guddoomiyaha ururka SOLJA markii uu ka dhego adaygay inuu yimaado shirarkii guddida fulinta waxay go’aansadeen in xilkii ururka laga qaado Xasan Maxamed yuusuf, isla markaana si ku meelgaadh ah loogu dhiibo gudoomiyaha ururka SOLJA Mustafe Sheekh Cumar Geeddi oo ka mid ah xubnaha gudidda”ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka ururka SOLJA Maxamed Curad oo ka hadlayey xil ka qaadista ay ku sameeyeen.

Sidoo kale, Maxamed Cabdi Jaamac Caloolay oo ka mid ah guddida qabanqaabadda shirweynaha shanaad ee ururka SOLJA ayaa  ku eedeeyey gudoomiyihii hore ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf inuu doonayo inuu ururka ka iibiyo xukuumada, isla markaana uu ururku noqdo mid hoos taga, isagoo xusay in mar kasta oo shirweynaha ururka la qabanayo ay xukumadihii kala dambeeyey  isku dayi jireen inay fashiliyaan madax banaanidda ururkan, haseyeeshee mar walba saxaafadda madaxa banaan ka guulaysan jireen.

“Waxaa jira shir saddex goosood ahaa oo u dhexeeyey wasiirka Warfaafinta, gudoomiyaha ururka SOLJA iyo Daladda SONSAF ee aan dawliga ahayn oo ay doonayeen  inay ururku noqdo mid xukuumaddu maamusho, isla markaana xeerar macmac ahaa oo ay SONSAF mashruuc ku heshay oo ay doonayso inay xeerka saxaafadda wax kaga bedesho  kaga faa’iidaysato arrintan, waxaana taas ku cadaynayaa in shirarkii guddida fulinta aanu ka soo qaybgalin gudoomiyaha ururka”ayuu yidhi Caloolay oo ka hadlayey sida wax u jiraan.

Sidoo kale, ururka SOLJA ayaa sheegay in saaka xilli hore uu xafiiska yimid gudoomiyihii xilka laga qaaday, isla markaana uu ka qaatay shaanbaddii xafiiska iyo furayaashii qolka shirka, taasina ay tahay dambi laga galay ururkan.

Si kastaba ha ahaatee, gudidda fulinta oo ka kooban 12 qof ayaa sagaal ka mid ahi go’aansadeen inay xilkii ka qaadaan gudoomiyaha, waxaanay guddidani xuseen in wasiirka Warfaafintu faraha kula jiro, isla markaanauuu wasiirku ka helo inuu mar walba xasarad ka dhex abuuro warbaahinta.

Khilaafkan ayaa ka dhashay ka dib markii mudaddii hogaanka solja ka dhamaatay, waxaana la isku qabtay guddida qabanqaabadda oo gudoomiyuhuna liis soo saaray, halka guddidan liis kale ka soo daba saaray.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland