4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 2 , 2014
Qaar ka mid ah Xildhibaannada kasoo jeeda Puntland oo Garoowe ku laabtay

Sabti, August 02, 2014 (HOL) —Magaalada Garoowe waxaa maanta dib ugu soo laabtay qaar kamid ah xildhibaannada Puntland kasoo jeeda ee ka tirsan Baarlammaanka Dowladda Federaalka ah ee Somaaliya.

Xildhibaannadan oo ay tiradoodu lix tahay, waxaa horkacayey Xildhibaan Xasan Abshir Faarax. Garoonka diyaaradaha waxaa kusoo dhoweeyey mas'uuliyiin ka tirsan dowladda oo wasiirro u badan.

Intaas kaddib, xildhibaannadu waxay usoo gudbneen dhanka aqalka madaxtooyada, halkaasoo uu ku qaabilay si diirranna ugu soo dhoweeyey Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweynaha oo si kooban warbaahinta ula hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay soo laabashada xildhibaannada iyo weliba sida ay uusoo ajiibeen baaqii horay loogu jeediyey ee ahaa inay Puntland dib ugu soo noqdaan.

Xildhibaan Xasan Abshir Faarax oo ku hadlayey afka xildhibaannada ayaa isna sheegay inay si weyn ugu faraxsan yihiin in iyagoo nabad qaba ay deegaanada ay kasoo jeedeen dib ugu soo noqdaan.

Isagoo sharraxaya ujeedada ay xilligan Puntland u yimaadeen waxaa Xasan Abshir hadalladiisii kamid ahaa: "markii aanu maqalnay baaqii aad soo jeediseen, Puntland dadka kaga jira in la yimaado waanu soo dhaqaaqnay runtii waxna ma aanan sugin Ilaahayna nabad buu nagu keenay "

Kaddib markii saddex maalmood kahor [30/7/2014] magaalada Muqdisho lagu dhisay maamul goboleedka Gobollada Dhexe oo ka kooban Gal-guduud iyo Mudug, maamulka Puntland wuxuu shaaciyey in gebi ahaanba uu xiriirka u jaray Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Maamulka Puntland wuxuu wada-tashi ugu yeeray dhammaan xubnaha kasoo jeeda deegaannada Puntland ee ku jira Dowladda Federaalka, kuwaas oo ilaa 15-ka bishan Agoosto loo qabtay inay magaalada Garoowe kusoo xaadiraan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya