4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 2 , 2014
Ciidanka Qalabka sida ee Maamulka Puntland oo dib habeyn lagu sameynayo

Sabti, August 02, 2014 (HOL) —Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay u qorsheysan tahay in sida ugu dhaqsaha badan dib u habeyn loogu sameeyo loona tayeeyo ciidamada qalabka sida ee Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa arrintan shaaciyey mar uu xalay ka khudbadeynayey munaasabad ka dhacday Xarunta Baarlammaanka Puntland ee Garoowe oo ku aadaneyd xuska sannad guuradii 16aad ee kasoo wareegtey markii Puntland dhidibada loo taagey.

Dhinacyada ciidamada laga tayeyn doono isagoo sii sharraxaya wuxuu tilmaamay in la kordhin doono tababarrada ay ciidamadu helaan, in la kordhin doono lana tayeyn doono agabka ay ciidamadu ku howl galaan iyo weliba inay daryeel dhameystiran heli doonaan.

Mudane Gaas oo ciidamada si gaar ah farriin ugu dirayey ayaa ugu baaqay inay noqdaan askar qaran balse aanay noqon askar qabiil. " ciidamada dalku waa inay leyihiin astaan qaran, waa inay ka dheer tahay astaan qabiil" Gaas ayaa yiri.

Ugu dameyntii wuxuu Madaxweynaha Puntland sheegay in xukuumaddiisa ay u qorsheysan tahay sidii bulshada hub-ka-dhigis loogu sameyn lahaa, islamarkaana dhammaan hubka Puntland yaalla ay dowladdu ula wareegi lahayd.

Isagoo taas ka hadlaya wuxuu yiri: "Hubka beeluhu isu haystaan waa in lagu wareejiyaa difaaca...xabadda aad ka badbaadiso walaalkaa, waxay kayd u tahay cadowgaaga..."

Ciidamada Puntland gaar ahaan Booliska, Asluubta iyo Daraawiishta ayaa bilihii u dambeeyey ka cabanayey daryeel la'aan iyo in aysan helin xuquuqdooda, maadaama sida ay sheegeen muddo bilo ah aan wax mushaharaad ah la siin.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya