4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 2 , 2014
Ra’iisul Wasaaraha oo Puntland ugu Hambalyeeyay 16-guuradii Aasaaskooda


Sabti, August 02, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed ayaa hanbalyo ku aaddan sannad-guuradii 16-aad ee kasoo wareegtay asaaskii Puntland u diray shacabka iyo mamulka deegaannadaas.

Mudane Cabdiweli ayaa shacabka Puntland u rajeeyey horumar iyo nabad waarta, isagoo sheegay in 01-da Ogoosto ay shacabka Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed tusayso sida bulsho isu tagtay ay u dhisi karaan nidaam maamul oo shaqaynaya, iyagoo ku dheggan midnimada Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Puntland ay horseed ka tahay dowlad Soomalaiyeed oo mid ah oo ku dhisan nidaamka federaal ah, wuxuuna xusuusiyey shacabka Puntland inay mar walba ka shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka dalka si loo gaaro dhammaan himilooyinka la higsanayo.

“Waxaan shacabka iyo maamulka Puntland oo ugu horreeyo madaxweyne C/weli Gaas ugu hanbalyeynayaa munaasabadda 01-da Ogoosto oo ku aaddan sannad-guuradii 16-aad ee kasoo wareegtay markii la dhisay maamulkaas. Dadka reer Puntland waa dad nabad jecel, waxaana ku aamanayaa horumarka dhan kasta ah oo ay sameeyeen muddadii ay jirtay Puntland,” ayuu yiri RW C/weli Sheekh.

Sidoo kale, wuxuu mar kale yiri. “Waxaa wax lagu faano ah sida ay dimuqraadiyaddu ku jirto ee maamulka Puntland kusoo dhaqmayay 16-kii sano ee lasoo dhaafay. Waxaa xusid mudan doorashadii ugu dambaysay oo runtii muujinaysay biseylka dimuqraadiyadeed ee ka hanaqaaday Puntland.”

Maamulka Puntland ayaa shalay u dabaal-dagay munaasabaddii 16-aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay, waxaana dabaal-dagyo lagu maamuusayo dhismaha Puntland ay ka dhaceen deegaannada maamulkaas.

Dhanka kale, hadlaka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya iyadoo maamulka Puntland uu ku dhawaaqay habeen hore inay jareen xiriirkii kala dhexeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa sheegay in sababta ay xiriirka u jareen ay salka ku hayso heshiiskii dhawaan lagu saxiixay Muqdisho oo lagu sameynayo maamul ay yeeshaan gobollada Mudug iyo Galguduud, isagoo xusay in qaybo ka mid ah Mudug oo Puntland ay ka taliso lagu daray kuwa maamulka loo sameynayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya