4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 2 , 2014
Naadiga Badbaado Qaran oo Cambaareeyay dilkii Xil. Sheekh Aadan Mad-deer


Sabti, August 02, 2014 (HOL) — Naadiga Badbaado Qaran ayaa si kulul u cambaareeyay fal-dambiyeedkii ay kooxo ka tirsan Al-shabaab ku dileen xildhibaan, Sheekh Aadan Mad-deer oo ka tirsanaa xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

War-saxaafadeed uu naadigu soo saaray ayay ku sheegeen in geeridu ay tahay xaq, balse ay ka xun yihiin sida naxariis darrida ah ee qof muslim ah, mas’uul ah oo misna da’ ahaa, in ka badan 50 sanno oo noloshiisa ka mid ahna u adeegayay dadkiisa iyo dalkiisa lagula kaco fal noocaan oo kale ah, waa wax muujinaya cadowtinimmada iyo wuxuushnimada cadowga ummada kusoo duulay.

“Dhagar-qabayaashaas waxay doonayaan inay cabsi geliyaan shacabka, gaar ahaan shaqaalaha iyo waxgaradkii ummadda sida xubnaha golayaasha dalka oo astaan u ah dowladnimada iyo qaranimadeenna iyo inay hor-istaagaan geeddi-socodka nabadeynta dalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale, naadigu wuxuu sheegay in kuwa geystay dilkaas waxaan si cad ugu sheegaynaa in dilka ruux mas’uul ah, sooman oo masaajid kasoo baxay, aadan ku gaaraynin rabitaankiinna iyo ahdaaftiinna gurracan, cadaaladduna way idin qaban doontaa sida ugu dhaqsiyaha badan.

“Hay`adaha amniga ee loo igmaday ilaalinta shacabka iyo mas’uuliyiintooda waxaan ku boorrinaynaa in xaqiijiyaan amniga ayna cadaalada horkeenaan kuwii ka dambeeyay dilkii xildhibaan Sheekh Aadan Mad-deer, sla markaana aad ogaataan in shacabku niyad-jab ka qabaan inay kooxo noocan oo kale ah bulshada dhex-joogaan,” ayay xubnaha naadigu ku dareen hadalkooda.

Ugu dambeyn, xubnaha aadiga Badbaado Qaran oo uu marxuunku ka mid ahaa ayaa waxay tacsi u direen dhammaan bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan ehelkii iyo qaraabadii uu Xildhibaanku ka baxay. Iyagoo Alle uga baryay inuu jannaadiisa ka waraabiyo. INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya