4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 2 , 2014
Ciidamada Itoobiya oo Garbahaarey ku Xiray Xubno ku eedeysan kicin Dagaal

Sabti, August 02, 2014 (HOL) — Ciidamada dalka Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM aya la sheegay inay xabsiga dhigeen lix qof oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dagaal shalay ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusunna gudaha degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in lixdan qof ay ku jiraan xubno ka tirsan kuwa dowaladda Soomaaliya, waxaana lagu xiray xabsiga degmadaas oo ay ilaalinayaan ciidammo Itoobiyaan ah.

Dagaall muddo kooban socday ayaa degmada Garbahaarey ku dhex-maray ciidammo ka kala tirsan Ahlusunna iyo dowladda Somalia, kaasoo dhaliyay dhimashada laba qof iyo dhaawaca tiro kale.

Xariga xubnahan ayaa la sheegay inay bixiyeen saraakiisha Itoobiya ee ku sugan degmadaas, iyadoo xaaladdu ay deggen tahay, ciidamadii dagaalku ku dhexmarayna ay kala qaadeen ciidamada Itoobiya ee AMISOM ka tirsan.

Sidoo kale, iska-horimaad kooban ayaa shalay duleedka Garbahaarey ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee Itoobiya ka socda iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, kaasoo yimid kaddib markii xoogag ka tirsan Al-shabaab ay isku dayeen inay weeraraan saldhigyo ay ku leeyihiin ciidamadan duleedka degmadaas.

Arrimahan ayaa waxay kusoo beegmayaa iyadoo maalin ka hor uu degmada booqday madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo kula kulmay degmadaas, qaybaha bulshada, waxgaradka, maamulka iyo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Degmada Garbahaarey ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkii ay sannadihii ugu dambeeyay gacanta ku hayeen ciidamada dowladda Somalia oo gacan ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya