4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 2 , 2014
Mas’uuliyiinta Ahlusunna Waljamaaca oo ku Qayb-samay Heshiiskii Muqdisho

Sabti, August 02, 2014 (HOL) — Mas’uuliyiinta maamulka Ahlusunna ayaa ku qaybsamay heshiiskii dhawaan lagu saxiixay Muqdisho ee lagu doonayo in lagu dhiso maamul KMG ah oo ay yeeshaan gobollada Mudug iyo Galguduud.

Khilaafkan ayaa la sheegay inuu yahay mid xooggan, iyadoo xubno ka tirsan maamulka gobollada dhexe ee Ahlusunna ay diideen heshiiska, halka kuwo kalena ay taageereen.

Ahlusunna ayaa waxaa heshiiskan u saxiixay madaxa saddexda gole ee uu ka kooban yahay maamulka Ahlusunna, Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye, waxaana ku taageeray Sheekh C/qaadir Maxamed Faarax oo ah guddoomiyaha golaha talada ee Ahlusunna, halka ay kasoo horjeesteen guddoomiyaha golaha fulinta, Sheekh C/qaadir Ashcari, Macallin Maxamuud Sheekh Xasan iyo xubno kale.

Mas’uuliyiintan ayaa waxay billaabeen inay hadallo kulul isku mariyaan war-baahinta, kuwaasoo sii adkeeyay xaaladda, iyadoo koox walba ay mowqifka ay qabto ku adkeysanayso.

Sheekh Maxamed Shaakir oo ah madaxa tacliinta ee maamulka Ahlu-sunna oo boqollaal askarta maamulkaas ka tirsan kula hadlayay degmada Dhuuso-mareeb ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay waddo qorshayaal ay ku kala qaybinayso Ahlusunna Waljamaaca.

“Shirarkii Muqdisho ka socday waxaa kasoo baxay in Ahlusunna la kala qaybiyo, innaguna waan diidnay go’aannadii kasoo baxay shirkaas; mana ogolaanayno in Ahlusunna la kala qaybiyo,” ayuu yiri Ahlusunna.

Dhanka kale, mas’uulkan ayaa sheegay in la doonayo in deegaannada ay ka howlgasho Al-shabaab la kala jaro, isgaoo tusaale u soo qaatay in qorshuhu yahay in Ahlusunnada Hiiraan ku sugan iyo kuwa galguduud ku sugan la kala qaybiyo, isagoo xusay inaysan kala go’i dadkii muddada dheer dagaalka ku soo wada-jiray.

Ugu dambeyn, mas’uulkan ayaa ku dhawaaqay in maalinta berry ah ay tahay maalin mudaaharaad, kaasoo ay ku muujinayaan mowqifkooda ku aaddan in heshiiskaas ay kasoo horjeeddo Ahlusunna.

Xukuumadda Soomaaliya aya heshiiska maamulka KMG ah loogu dhisayo gobollada Mudug iyo Galguduud ku sheegtay inuu qayb ka yahay qorshe lagu doonayo in dalka loog hirgeliyo nidaamka federaalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya