4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 2 , 2014
Howlgallo ka Socda Degmooyin ka Tirsan Muqdisho iyo Waddooyin la Xiray


Sabti, August 02, 2014 (HOL) — Howlgallo baaritaanno ah ayaa saakay ka socda xaafado ka tirsan degmooyinka Waaberi iyo Hodan ee Muqdisho, iyadoo waddooyinka Muqdisho qaarkood saakay la xiray, halkaasoo gaadiidka loo diiday inay maraan.

Xaafadaha ay howgallada ka socdaan ayay ciidamadu ku baarayaan dadka iyo gaadiidka, waxaana saraakiil ka tirsan hay’adaha ammaanku ay ku macneeyeen howlgalladan kuwo lagu adkeynayo ammaanka.

“Gaadiidka iyo dadka waa la baarayaa, tanina waxay ka mid tahay qorshe lagu adkeynayo ammaanka Muqdisho,”  ayuu yiri sarkaal sare oo booliiska Soomaaliya ka tirsan.

Qaar ka mid ah dadka ku nool xaafadahaas ayaa iyaguna sheegaya in dad badan lagu qabtay howlgallada kuwaasoo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Xarakada Al-shabaab.

Baaritaannadan ayaa imaanaya iyadoo shalay Muqdisho lagu dilay mid ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo maydkiisa lagu wado in maanta lagu aaso Muqdisho.

Dhanka kale, waxaa xiran waddooyin ka tirsan magaalada Muqdisho, gaar ahaan tan isku xira madaxtooyada iyo isbitaalka Banaadir, iyadoo la sheegay in loo xiray aaska maydka xildhibaan Sheekh Aadan Mad-deer oo dilkiisa ay si cad u sheegatay Al-shabaab.

Marxuumka ayaa lagu wadaa in lagu aaso isbitaalka Madiina ee Muqdisho oo xilliyadii dambe ahayd goob lagu aaso maydadka xubnaha dowladda ee lagu dilo Muqdisho.

Illaa hadda lama oga in aaska mudanaha ay ka qaybgeli doonaan madaxda dowladda Soomaaliya, waxaase la xaqiijiyay inay ka qaybgalaan mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Sheekh Aadan Mad-dheer ayaa ahaa guddoomiyihii guddiga maaliyadda ee baarlamaanka, iyadoo shalay ay kooxo gaari yar wata ay ku dileen degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir, xilli uu kasoo baxay masaajid uu kusoo tukaday salaaddii Jimcaha.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya