4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 1 , 2014
Danjire Nicholas Kay oo Walaac ka muujiyay dilalka lagu hayo Xildhibaannada


Jimco, August 01, 2014 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa walaac ka muujiyay dilalka loo geysanayo xildhibaanada baarlamaanka Somalia, isagoo si adag u cambaareeyay dilkii maanta Muqdisho loogu geystay xildhibaan Sheekh Aadan Mad-deer.

Xildhibaan Sheekh Aadan Mad-deer ayaa waxaa lagu toogtay Xamar-weyne oo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana toogtay saddex ruux oo bastoolado ku hubeysan xilli uu kasoo baxay masjid uu salaaddii Jimcaha kusoo tukaday.

“Dilka Sheekh Mad-deer waa arrin aad looga walaaco,” ayuu yiri Kay. “Dilalka lagu hayo  xildhibaannada baarlamaanka waa isku day lagu doonayo in lagu cabsi-geliyo, xilli ay ka shaqeynayaan si ay u dhisaan Soomaaliya oo sidii hore ka wanaagsan. Kooxaha dilalkaan geysanayana kuma guuleysan doonaan hadafkooda.”

Ergayga oo sii hadlayay ayaa mar kale yiri. “Waxaan ku ammaanayaa gabi ahaan xubnaha baarlamaanka Soomaaliya geesinimada ay ku shaqeynayaan iyo dadaalkooda ay wadaan iyagoo weerarro ay ku socdaan. QM waxaa ka go’an inay taageerto howsha muhiimka ah ee uu hayo baarlamaanka Soomaaliya.”

Kay ayaa ku baaqay in kooxihii geystay dilka xildhibaan Sheekh Mad-deer iyo kuwii ka horreeyayba la soo qabo lana horkeeno cadaaladda, isagoo ku tilmaamay dilkan mid fulaynimo ah.

Ugu dambeyn, ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa tacsi u diray asxaabtii iyo ehelladii uu ka baxay xildhibaanka, sidoo kalena wuxuu tacsi taas la mid ah u diray xildhibaannada baarlamaanka oo uu ka tirsanaa.

Marxuum Sheekh Aadan Mad-deer ayaa wuxuu noqonayaa xildhibaankii shanaad oo ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka oo Muqdisho lagu dilo, iyadoo bishii hore lagu dilay Muqdisho xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd iyo sidoo kale Saado Cali Warsame.

Xarakada Al-shabaab oo mas’uuliyadda dilka xildhibaanka sheegatay ayaa ku mar kale ku hanjabtay inay sii wadayso ugaarsiga xildihbaannada golaha baarlamaanka Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen inay ansixiyeen in ciidamada AMISOM la keeno Sooomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya