4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 1 , 2014
Madaxda Somali oo Cambaareeya dilkii Xil. Mad-deer loogu geystay Muqdisho


Jimco, August 01, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, guddoomiyaha baarlamaanka iyo ra'iisul wasaaraha ayaa si isku mid ah u cambaareeyay dilkii maanta ay kooxo ka tirsan Al-shabaab ugu geysteen degmda Xamar-weyne ee gobolka Banaadir xildhibaan Sheekh Aadan Mad-deer oo ka mid ahaa xubnaha baarlamaanka Somalia, iyagoo xusay in dilkaan uu ku dhiirri-gelinaya dowladda dagaalka ay kula jarto Al-shabaab.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri: “Xildhibaanku wuxuu ahaa nin howl-kar ah oo wax badan u soo qabtay Qaranka iyo ummadda Soomaaliyeed, sidoo kale wuxuu ahaa nin aad u jecel dowladnimadda."

Sido kale, ra’iisul wasaare, C/weli Sh. Axmed ayaa sheegay in dilka xildhibaanka uu yahay mid loo geystay shacabka Soomaaliyeed oo dhan, isagoo Al-shabaab ku eedeeyay inay dil u geystaan shacabka iyo xubnaha dowladda.

“Dilka xildhibaanku wuxuu ka mid yahay falalka ay nabad-diidku u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed iyo wakiilladooda. Waxaana naga go'an inaan xoojinnno horumarada laga gaaray isku xirnaanta shacabka iyo waaxyaha amniga ee liddiga ku ah nabad-diidka,” ayuu yiri ra'iisul wasaare C/weli Sheekh. 

Dhanka kale, guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari oo ku sugan dalka Norway ayaa isna dilka xildhibaan Mad-deer ku tilmaamay mid lagu dhibaateynayo dadka Soomaaliyeed oo dhan.

“Sheekh Aadan Mad-deer waxaa la dilay xili uu soo gutay waajibkii uu Alle saaray, isagoo kasoo baxay salaadii Jimcaha, waxaa dishay gacan ka xaq-daran, kuwii dilay iyagaa dhib-qaba adduun iyo aakhiraba, cawaaqibka ka dhalan kara inaad disho qof muslim ah oo Alle cibaadadiisa u taagan waan wada ognahay, Alle ayaa mudankooda marsiin doona insha Allah. Hay’adaha ammaankana waxaa waajib ku ah inay cadaalladda hor-keenaan kooxihii ka dambeeyay falkaas foosha xun,” ayuu yiri Jawaari.

Madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa si isku mid ah tacsi ugu diray ehelladii, asxaabtii, qoyskiis, xildhibaannada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay xildhibaanka.

Ugu dambeyn, madaxda dowladda Soomaaliya ayaa amar ku siiyay hay’adaha ammaanka dalka inay soo qabtaan kooxihii fuliyay dilka xildhibaanka si sharciga loo horkeeno loona abaal-mariyo.

Dilka xil. Sheekh Aadan Mad-deer ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Somalia, iyagoo ku hanjabay inay sii wadi doonaan ugaarsiga ay ku hayaan xildhibaannada baarlamanka.

Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa tan iyo markii la dilay Saado Cali Warsame todobaad ka hor ayaa walaac ka muujiyay ammaankood, iyagoo dowladda ka dal-baday inay ilaalo u sameyso si ay uga badbaadaan Al-shabaab.

Madaxda dalka ayaa waxay mar walba oo xildhibaan ama mas’uul ka tirsan dowladda u tacsiyeeyaan qoyskiisii, iyagoo amar ku bixiya in baaritaanno lagu sameeyo dilkaas, kuwii geystayna la horkeeno sharciga, balse ma jirto wax intaas dhaafsan oo ay sameeyaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya