4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 1 , 2014
Al-shabaab oo Sheegatay Mas’uuliyadda Dilkii Xildhibaan Sheekh A. Mad-deer


Jimco, August 01, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay inay mas’uul ka ahayd dilkii xildhibaan Sheekh Aadan Mad-deer oo ka mid ahaa xubnaha baarlmaanka Soomaaliya, kaasoo kooxo hubeysan ay duhurnimadii maanta ku toogteen degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir.

Afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab, Sheekh Cabdulcasiis Abuu Muscab ayaa sheegay in ciidamadooda gaarka ah ay toogasho ku dileen mudnahan oo noqonaya kii shanaad oo sannadkan ay Al-shabaab ku disho Muqdisho.

"Ciidamada mujaahidiinta ayaa gudaha Muqdisho ku dilay xildhibaan ka tirsanaa golaha sheegay inuu yahay sharci-dajiye, waana sii socan doonaan howlgallada lagu ciribtirayo cadowga,” ayuu yiri Abuu Muscab.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay inay ka go’an tahay hadafkoodu yahay inay sii wadaan dilalka xildhibaanada baarlamaanka inta ummadda laga hor-leexinayo, isagoo ku tilmaamay baarlmaanka inuu yahay kan sharciyeeyay in dalka la keeno ciidamada AMISOM.

"Alle ha idin barakeeyo ayaan leennahay mujaahidiinta gobolka Banaadir ku sugan. Waxaana ka go’an inay beegsiga xildhibaannada sii wadaan, ayna ku beegsadaan meel walba oo ay ka heli karaan. Waxaana sharciyada ay horay u dajiyeen ka mid ah inay dalka soo galaan ciidamada shisheeyaha ah,” ayuu Abuu Muscab hadalkiisa ku daray.

Xildhibaan Sheekh Mad-deer ayaa noqonaya xildhibaankii labaad oo muddo laba toddobaad gudahood ah lagu dilo Muqdisho, iyadoo tani ay noqonayso caqabad cusub oo lasoo gudboonaatay xildhibaannada baarlamaanka dalka.

Al-shabaab ayaa bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay ku dilay Muqdisho lab aka mid ah xildhibaannada baarlamaanka, kuwaasoo kala ahaa, xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd iyo xildhibaanad Saado Cali Warsame.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya